4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Apr 29, 2020
Al-shabaab oo sadax qof ku toogtay fagaare ku yaalla Ceelbuur
 

Arbaco, Abril 29, 2020 (HOL) - Sida lagu qoray warbaahinta taageerta Al-shabaab, kooxdaasi ayaa saddax ruux ku dishay degmada Ceelbuur ee gobolka Galgaduud, iyagoo ku eedeeyay iney ahaayeen basaasiin la shaqeynayay dowladda Mareykanka islamarkaana ka gacan siiyay weerarro dhinaca cirka ah oo lagu qaaday deegaanno ay maamulaan.

Saddax ruux ee la dilay ayaa waxey magacyadooda ku kala sheegeen Axmed Nuuroow Maxamed Xeroow oo 23 jir ahaa iyo  Bashiir Maxamuud dhagoo oo isagana jiray 22 sano iyo  Bishaar Axmed Cabdulle Hooloow oo la sheegay isagana inuu jiray 50 sano sida lagu sheegay warka mareegaha wararka Al-shabaab ay baahiyeen.

Garsoore ka tirsan Al-shabaab ayaa waxa uu fagaaraha lagu dilayay dadkaasi ka akhriyay eedaha loo haaystay, dhinaca kale dadka la hor geeyo maxkamadaha Ururkaasi ma helaan abuukaatayaal difaaca.

Dhinaca kale maamullada Koonfur galbeed iyo Hirshabeelle oo ay Al-shabaab sheegeen iney dadkaan shaqaaleysiiyeen kama hadlin illaa iyo hadda, sidoo kale ciidamada Mareykanka kama hadlin hadalka shabaab kasoo baxay ee ku aaddan in raggaasi ay la shaqeynayeen waaxda dhinaca duqeymaha ee AFRICOM.

Al-shabaab dhowr jeer oo hore ayeey dil ku fuliyeen dad ay sheegeen iney u basaasayeen dhinacyada kasoo horjeedo.

Hiiraan Online, News Desk