4/16/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Apr 29, 2020
Ururka dhalinyarada gobolka Hiiraan oo ku baaqay in laga qeyb-qaato gurmadka Qardho


Arbaco, Abril 29, 2020 (HOL) - Ururka dhalinyarada gobolka Hiiraan oo horkacaya qeybaha bulshada Beledweyne ayaa ku dhawaaqay gurmadka loo sameeynayo dadkii ku waxyeeloobay daadadkii ku dhuftay magaalada Qardho ee gobolka Bari. Waxaana aay sheegeen in gurmadkaasi uu ka bilaan doono magaalada Beledweyne.

Ururka dhalinyarada oo aay wehliyaan ganacsatada, haweenka iyo culimada Beledweyne ayaa dadweeynaha ka codsaday inaay ka qeyb-qaataan gurmadka loo sameeynayo dadka kunool magaalada Qardho oo saameeyn badan kala kulmay roobabkii da’ay.

Gudoomiyaha ururka dhalinyarada Hirshabeelle Maxamed Cabdullahi Buraale ayaa sheegay in maanta aay muhiim tahay in lagarab istaago dadka Qardho oo roobabku si daran u sameeyeen, wuxuu baaq u diray qeybaha bulshada magaalada Beledweyne isagoo ka codsaday inaay gurmadka ka qeyb-qataan.

“Walaalaha Qardho waxaa soogaaray saameeyn xoogan oo raxmada ALLE ah, waxaan rabnaa inaan garab istaagno walaalaheen maadama maanta aay dhibaateeysanyihiin, bulshada magaalada Beledweyne waxaan ka codsanayaan inaay u istaagaan kana qeeyb-qaataan dadaalada loogu gurmanaayo dadka Qardho” Sidaas waxaa yiri gudoomiyaha dhalinyarada Hirshabeelle.

Dhanka kale ganacsatada iyo culimada oo goobta ka hadlay ayaa sheegay inaay muhiim tahay in dadka walaalaha ah aay is garab istaagaan, waxaayna qeybaha bulshada iyo maamulka aay ka codsadeen inaay kala qeeyb-qaataan dadaalada gurmadka Qardho.

Magaalda Qardho ee gobolka Bari waxaa dhawaan ku dhuftay daad kusoo rogmaday kuwaas oo aay keeneen roobab xoogan oo ka da’ay deegaanka iyo hareerihiisa, waxaana daadadka kadhashay qasaaro nafeed iyo mid hantiyeed.

Somaaliya ayaa saameeyn xoogan kala kulanta daadadka roobka iyo fatahaadaha wabiyada, mana jiraan qorshayaal dowlad oo lagu xalinaayo dhibaatada jirta. Waxaana sanad walba qasaaro xoogan lakulma dadka kunool hareeraha wabiyada.

Hiiraan Online, News Desk