4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Apr 29, 2020
Webiga Jubba oo ku fatahay Baardheere iyo qasaarooyin ka dhashay


Arbaco, Abril 29, 2020 (HOL) - Fatahaadan oo dadka Baardheere ku nool ay sheegeen in ay kamid tahay kuwii ugu Cuslaa ee uu webiga Jubba ka sameeyo degmadaasi ayaa saameeysay xaafadaha magaalada iyo dhul beereedyadii ku yaallay webiga jiinkiisa.

Sida ay HOL u xaqiijiyeen ilo wareedyo ku sugan degmadaasi, Fatahaadda ayaa baabi'isay 2290 beerood oo ku yaallay webiga Jiinkiisa, waxaa sidoo kale ay fatahaaddo ay sababtay barakac kadib markii ay daadadkii ka dhashay fatahaadda ay saameeyeen in ka badan 500 oo guri.

Xaaladda magaalada Baardheere ayaa saaka ah mid ka duwan sidii hore, waxaana qoysaskii ay fatahaadda saameeysay oo naftooda iyo wixii ay gacantooda qaadi karto kala soo cararay guryahooda ay dhoobanyihiin qeybo kamid ah xaafadaha magaalada ayadoo aysan jirin wax gurmad ah oo uga yimid dhanka dowladda federaalka ah ee Soomaaliya .

Magaalada Baardheere oo ay markii horeba go'doomiyeen roobabkii ka da'ay qeybo katirsan gobollada dalka ayaa dhinaca kale lagu soo waramayaa in maciishaddii ay cirka isku shareertay.

Hiiraan Online, News Desk