4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Apr 28, 2020
Xaaladihii ugu horeeyay ee Covid19 oo laga xaqiijiyay Koofur-Galbeed Soomaaliya
 

Talaado, Abril 28, 2020 (HOL) - Wasiirka caafimaadka Soomaaliya Dr. Fowsiya Abiikar Nuur oo maanta ka warbixisay xaaladihii ugu dambeeyay ee Covid19 ayaa sheegtay inaay sii bateen kiisaska Caronavirus ee Soomaaliya, waxaana kiisaska qaar laga helay maamulada Jubbaland iyo Koofur-Galbeed.

Fowsiya Abiikar ayaa sheegtay in xaaladihii ugu horeeyay oo ah Caronavirus in laga helay deegaanada Koofur-galbeed, waxaana aay sheegtay in taasi aay sawir u tahay in xanuunkan uu ku faafay dhamaan deegaanada Soomaalida islamarkaana aay muhiim tahay in dadku aay qaataan talooyinka caafimaadka.

“Maanta xaaladaha soo kordhay waxaay gaarayaan 48 qof, dadkaas 41 kamid ah waxaay joogaan gobolka Banaadir, 3 qof waxaay ku suganyihiin Jubbaland, sidoo kale 4 kamid ah waxaay joogaan Koofur-galbeed, kiisaskii ugu horeeyay ayaa laga xaqiijiyay koofurgalbeed taasina waxaay cadeeyneysaa in cudrkaan uu ku faafay gudaha Soomaaliya. Tirada guud ee laxanuunsan cudurka Covid19 waxaay gareeysaa 528 xaaladood” ayaay tiri wasiir Fowsiya Abiikar.

Wasiirka caafimaadka ayaa markale ku celisay wacyigalinta Covid19, waxaayna sheegtay inaay muhiim tahay in dadku aay kala fogaadaan, sidoo kale waxaay ku baaqday in laga taxadaro dadka da’da ah iyo kuwa qaba xanuunada.

Xaaladaha Covid19 ayaa kusii faafaya Soomaaliya waxaayna sameeyeen dhimasho badan, waxaana dadka geeriyooday guud ahaan aay gaarayaan 28 qof sida aay xaqiijisay wasaarada caafimaadka Soomaaliya.

Xaaladaha Covid19 ayaa hore looga helay maamulada Soomaliland,Puntland iyo Jubbaland, hasa-ahaatee waa markii ugu horeeysay ee kiisaska Caronavirus laga helay deegnaada Koofurgalbeed Soomaaliya.