4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Apr 28, 2020
FESTU oo sheegtay in shaqaalaha Soomaaliyeed ay si degdeg ah ugu baahan yihiin in laga difaaco xaaladaha shaqo ee khatarta leh iyo cudurrada faafa

Talaado, Abril 28, 2020 (HOL) - Maanta oo ku beegan maalinta caalamiga ah ee la xuso shaqaalaha weynaha adduunka ayaa Xiriirka Ururrada Shaqaalaha Soomaaliyeed ee FESTU waxaa uu sheegay in ay tahay maanta maalin si weyn u mudan in lasoo xasuusto shaqaalaha Soomaaliyeed ee ku dhintay, dhaawacmay ama ku curyaamay inta ay ku guda jireen shaqadooda.

Ayadoo lagu jiro sanadka Coronavirus (COVID-19) ayaa xiriirka ururrada shaqaalaha waxaa uu sheegay in maanta aysan jirin maalin ay ka mudan tahay in la xuso maadaama ay dhibaato hor leh ay soo wajahdan shaqaalaha muhiimka gaar ahaan kuwa ka shaqeeya goobaha caafimaadka.

FESTU ayaa qirtay kaalinta wax ku oolka ah ee shaqaalaha dalka gudihiisa ay ka hayaan, gaar ahaan howl-wadeenada caafimaadka iyo shaqaalaha kale ee muhiimka ah ee naftooda u huraya sidii loo badnaadin lahaa dadka Soomaaliyeed.

Maalmihii la soo dhaafay, ururrada shaqaalaha Soomaaliya waxay arkeen kor u kac xagga tirada shaqaalaha ah ee uu soo gaaray fayraska COVID-19. Ururada shaqaalaha ayaa heley macluumaad sheegaya in shaqaalo badan ay bukoodeen dhowrkii maalmood ee lasoo dhaafay, ayadoo  FESTUay sheegtay in loo baahan yahay in la qaado tilaabooyin deg deg ah si looga hor tago in cudurkan uu dhibaato xoog leh u geysto shaqaalaha intiisa kale.

FESTU waxay aad ugu nuux-nuuxsatay in la ilaaliyo oo la sugo difaaca iyo daryeelka howl wadeenada caafimaadka iyo shaqaalaha kale ee muhiimka ah kuwaas oo safka hore kaga jira ka hortaga iyo la dagaalanka cudurka safmarka ah.

Xiriirka iyo ururada xubnaha ka ah ayaa dhowr jeer muujiyey khataraha ka dhalan kara la'aanta qalabka qofka ka ilaaliya in uu qaado cudurka oo ku filan shaqaalaha, aqoon yarida ku saabsan sida ugu haboon ee loo adeegsanayo qalabkan la isku ilaaliyo iyo wacyigelinta guud ee ku saabsan sida loola tacaali karo COVID-19 si markaasi looga ilaaliyo shaqaalaha inay qaadaan cudurka inta ay joogaan goobahooda shaqo.

“Waxaan ka dalbanaynaa Dowladda Federaalka iyo Dowladaha xubinta ka ah iyo sidoo kale loo shaqeeyayaasha shirkadaha gaarka loo leeyahay inay shaqaalaha siiyaan qalab ku filan oo ay isku ilaaliyaan. Marka ay dhibaatadani dhamaato, waxaan dooneynaa in dowladda ay si dhakhso leh ugu dhaqaaqdo meel marinta sharciga Badqabka iyo caafimaadka shaqaalaha inta ay shaqada ku jiraan”ayuu yiri Cumar Faaruuq Cusmaan, xoghayaha guud ee FESTU.

Xiriirka ururrada shaqaalaha wuxuu si cad ugu baaqey dhamaan xarumaha daryeelka caafimaadka ee gaarka loo leeyahay iyo kuwa dowlada in aysan ku qasbin ama ku cabsi galin shaqaalaha in ay shaqeeyaan iyagoon heysanin qalabkii ay isku ilaalin lahaayeen maxaa yeelay haddii la qasbo waxay u dhigantaa iskuday dil iyo fal dambiyeed.