4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Apr 28, 2020
Wasiir ka tirsan dowladda Jabuuti oo goor dhow geeriyooday
 

Talaado, Abril 28, 2020 (HOL) - Allaha U Naxariistee waxaa waddanka Jabuuti ku geeriyooday Ali Geulleh Aboubaker oo ahaa wasiirkii madaxtooyada u qaabilsanaa dhinaca maal-gashi dalkaasi. Waxaa dhowaan lagasoo qaaday caasimadda Faransiiska ee Paris, oo uu ku xanuunsanaa.

Sida uu HOL u sheegay suxufiga Maxamuud Bulxan oo Jabuuti jooga, wasiirka ayaa la xanuunsanayay muddooyinkii dembe dhiig madaxa uga furmay, iyadoo juhdi badan dhaqaatiirtu ay ku bixiyeen caafimaadkiisa, balse ugu dembeyn geeriyooday.

Waxa uu kamid ahaa aas-aasayaashii jabhadii Canfarta ee Jabuuti sanadkii 1991-kii, oo kasoo horjeedday Madaxweynihii xilligaasi hoggaaminayay Waddankaasi Xasan Guuleed Abtidoon. Ujeeddada jabhaddaasi oo la oran jiray{ Frud} ayaa waxay aheyd sidii Canfarta Jabuuti ay saami ugu yeelan laheyd siyaasadda waddanka. Jabhaddaasi ayaa waxey wada-hadal la furtay dowladda, iyadoo ugu dambeyn hubka dhigtay maamulkana ku biirtay sanadkii 1994-tii.

Rabbi ha U raxmadee Wasiir Ali Geuleeh Aboubaker waxa uu kamid ahaa raga aadka ugu dhowaa Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle oo Jabuuti muddo dheer hoggaaminya. Waxa uu muddo fog ka shaqeynayay wasiirka geeriyootay madaxtooyada  sidoo kalena waxa uu soo noqday madaxii ololaha doorashada madaxweyne Geelle sanadkii 2016-kii.

Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle ayaa goor dhow ka tacsiyeey geerida wasiirkaasi, waxa uuna Alle uga baryay inuu ka waraabiyo Jannadii Fardowsa.

Cabdicasiis Axmed Barrow
[email protected]
Hiiraa Online, Muqdisho