4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Apr 28, 2020
Dowladda Soomaaliya oo qalab caafimaad ku wareejisay Maamulka Koonfur Galbeed


Talaado, Abril 28, 2020 (HOL) - Wasaaradda caafimaadka Soomaaliya  ayaa waxey qalab caafimaad oo loogu tala-galay ka hortagga xanuunka COVID-19 ku wareejisay maamulka Koonfur galbeed Soomaaliya.

Wasaaradda ayaa waxey qalabkas ugu tala-gashay in looga howl-galo goob laga sameeyay magaalada Baydhabo oo si dadka lagu karaantiilo. Mas’uuliyiinta dowladda ayaa waxey sheegeen iney doonayaan in guud ahaan dadka Soomaaliyeed ay si wada-jir ah xanuunkaan ula dagaallamaan.

Maamulka Koonfur galbeed Soomaaliya ayaa ku ammaanay dadaallada dowladda dhexe iyo ka warqabka Maamullada ka jira Soomaaliya, sida ay warbaahinta u sheegeen markii qalabkaan ay la wareegayeen.

Dowladda dhexe ayaa hadda waxey waddaa dadaal xooggan oo ku aaddan sida loola dagaallami lahaa in xanuunka Coronavirus uusan ku faafin waddanka, iyadoo uu cudurkaan soo ritay dad badan, halka bukaanno dhowr ahna ay u geeriyoodeen.

Cabdicasiis Axmed Barrow
[email protected]
Hiiraan Online, Muqdisho