
newsinsideKalluunkaan ayaa ku qiimaysnaa lacag dhan Sh5 million oo ah lacagta Kenya ah, waxaana lagu tilmaamay inuu ahaaa kalluun si sharci darro ah lagusoo geliyay dalka Kenya.
Hay’adda amniga Kenya ayaa sheegay in kalluunkaan oo ku jiray 761 kiish ay koox ganacsato ah kasoo safriyeen Muqdisho iyo Kismaayo, waxaana lagu qabtay gobolka Xeebta ee Lamu.
Kalluunku wuxuu ku wajahnaa magaalada Mombasa sida ay booliisku sheegeen.
Laamaha amniga ayaa dadweynaha hortooda ku gubay kalluunka, iyagoo sheegay inay tilaabo adag ka qaadidoonaan cidii isku dayda inay mar dambe isku dayda tilaabo nuucaan ah.
Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online