4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Apr 20, 2020
Maraykanka oo qalab caafimaad ku wareejiyay dowladda Soomaaliya


Isniin, Abril 20, 2020 (HOL) - Safaaradda Mareykanka ee Soomaaliya, ayaa ku wareejisay dowladda federalka Soomaaliya, 350 sariirood oo cusbitaal ah iyo 500 joodariyaal ah oo looga taageeri doono Dowladda Soomaaliya la tacaalidda COVID-19.

Sariirahan waxaa loo adeegsan doonaa qeybta daryeelka degdega ah ee ICU ee cusbitaalka Martino iyo xarumaha go'doominta ee magaalada Muqdisho. Waxaa kaloo loo qaybin doonaa xarumaha go'doominta ee gobollada iyada oo laga caawinayo shaqaalaha caafimaadka in ay siiyaan daryeel nafo badbaadin bukaannadooda.

Mareykanka wuxuu ku faraxsan yahay inuu caawiyo dowladda Soomaaliya waqtigaan adag, ”ayuu yiri. Safiirka Maraykanka ee Soomaaliya Donald Y. Yamamoto.

"Xarummaha go'doominta ee sida wanaagsan loo qalabeeyay oo bukaannadu si wanaagsan loogu xannaaneeyo oo si ammaan ah oo raaxo leh loogu kala qeybiyay, waxay gacan ka geysan doonaan xaddidaadda faafitaanka COVID-19 dalka oo dhan,” ayuu yidhi Yamomota."

Wasiirka caafimaadka Soomaaliya, Dr. Fowsiyo Abiikar Nuur ayaa sheegtay in qalabkaan uu dowladda federalka ka caawinayo in si wanaagsan uga qeyb qaato balaarinta addeega caafimaad ee cudurka COVID-19.

"Si looga hortago faafitaankan, qof walba wuxuu u baahan yahay inuu si nabad ah u raaco tilmaamaha caafimaadka, dhawro kala fogaanshaha bulshada, iyo in la joogteeyo dhaqamada wanaagsan ee nadaafadda."

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online