5/2/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Apr 20, 2020
RW Kheyre “Waa in aan meel iska dhignaa kala aragti-duwanaanta si aan uga hortagno Covid19”
 

Isniin, Abril 20, 2020 (HOL) - Raisul wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre oo shir gudoomiyay kulanka joogtada ah ee gudiga kahortaga cudurka faafitaanka badan ee Covid19, ayaa madaxda maamul-goboleedyada ugu baaqay inaay ka hortagaan cudurka.

RW Kheyre ayaa madaxda u sheegay inaay meel iska dhigaan kala aragti duwanaanta dhanka siyaasada islamarkaana aay muhiim tahay in meel loogasoo wada jeesto ka hortaga iyo daweeynta cudurka Covid19 si looga badbaadiyo shacabka Soomaaliyeed.

RW Kheyre ayaa dardaarankan u jeediyay wasiirada maamul goboleeedyada oo qadka internetka uga qeyb-galay kulanka joogtada ah ee gudiga ka-hortaga cudurka Covid19.

“Xili adag ayaa lagu jiraa, maanta qof kasta oo wasiir ah waxaa looga baahanyahay inuu bixiyo dadaalkasta oo lagu badbaadinaya shacabka Soomaaliyeed, waan ogahay inaay dhibaato jirto, waan ogahay inaay caqabado jiraan laakiin maanta waa inaan bixinaa dadaal dheer, sidoo kale waxkasta oo kala aragti duwanaan ah oo noo dhaxeeysa waa inaaysan naga hor-istaagin dadaalkeena, xafiiskeeyga saacad walba waa idiin diyaar” ayuu yiri RW Kheyre.

Kheyre ayaa ku booriyay maamulada in meel loogasoo wada jeesto xanuunkan faafitaanka badan ee Caronavirus, wuxuuna amaanay dadaalka wasaarada caafimaadka dalka.

Maamulada qaar ee kajira dalka iyo xukuumada RW Kheyre ayaa waxaa u dhaxeeya qilaaf adag oo dhanka siyaasada ah, waxaana qilaafkaas uu saameeyay geedisocodka horumarka Soomaaliya.