5/29/2020
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Apr 2 , 2020
Laacibkii kooxda Horseed FC iyo Xulka Qaranka Soomaaliya Siciid Ducaale oo Yemen ku geeriyooday


Khamiis, April, 2, 2020 (HOL)Laacibkii hore ee kooxda Horseed FC ee horyaalka dalkeenna iyo xulka qaranka Soomaaliya Siciid Ducaale ayaa ku geeriyooday magaaladda Cadan dalka Yemen, halkaas oo uu ku xanuusanaa muddooyinkii ugu dambeeyay.

Aaska marxuumka ayaa maanta ka dhacay masaajidka Al-ixsaan, ee xaafadda Tawila ee magaalada Cadan, halkaas oo boqolaal muslimiin ah ay kula tukadeen salaadda jinaasada. Wuxuu ahaa 73-jir.

Allaha u naxariistee marxuum Ducaale oo ka mid ahaa ciyaartooyda ugu wanaagsan qaaradda Africa iyo dalalka carabta wuxuu ku dhashay magaaladda Cadan ee dalka Yemen sanadkii 1947, wuxuu muddo 10-sanadooda  ahaa laacibka ugu sarreeya horyaalka K/cagta Soomaaliya.

C/caziiz Xaaji Gifin oo  ka mid ahaa laaciibiintii kooxdii FIAT oo ay Siciid Ducaale isku xilli ahaayeen ayaan HOL u sheegay inuu ahaa laacib ay ka cabsan jiraan dhammaan kooxaha ka soo horjeeda.

"Siciid Ducaale iyo Ismaaciil Girille waxay ahaayeen labada ciyaaryahan ee ugu laacibsanaa Soomaaliya, gaar ahaan Siciid wuxuu ahaa nin laga cabsado, haddii uu heli lahaa fursad uu dibadda uga ciyaaro isaga ayaa maanta ka caansanaan lahaa Maradona" ayuu yiri C/caziz Giftin.

"Siciid Ducaale wuxuu ahaa laacib weyn, wuxuu ahaa nin aan loo babac-dhici karin, markii aan la ciyaareyno aniga yaa raaci jiray, laakiin wuxuu ahaa laacib xirfaddiisu aad u sareyso" ayuu Shabakadda  Hanoolaato u sheegay Axmed-nuur Maxamed Xaashi (Sayga Ruushka) laacibkii hore ee kooxda Jeenyo.


Cayaarahaan Axmednur M. Xaashi (Seyga Ruushka) oo ka warbixinaya Saciid Ducaale


Guulihii ugu caansanaa ee Siciid Ducaale waxaa ka mid ahaa inuu kooxda Horseed keenay ciyaarta kama dambeysta ah ee koobka kooxaha Bariga iyo Bartamaha Africa ee CECAFA sanadkii 1972, waxaana 2-1 koobkii ku qaaday kooxda Luo Union ee dalka Kenya. CIyaartaas kaddib, waxaa Siciid Ducaale loo magacaabay ciyaaryahanka sanadka ee dalalka Bariga iyo Bartamaha Africa ee 1971-1972 (CECAFA best player of the Year).

Wuxuu ahaa ciyaaryahan mucjiyo ku ahaa gool dhalinta, gaar ahaan laadka xorta ah ee Free-Kick, iyadoo taageereyaashu ugu yeeri jireen (Boqorkii kubadda cagta) ama Maliku alKura, waana ciyaaryahan xushmo weyn looga hayo Africa iyo Carbta intaba.

Soomaaliya kaddib, Siciid Ducaale wuxuu markii dambe u ciyaaray kooxda Zamaleh SC ee dalka Masar iyo kooxda Al-Jazira ee dalka Imaarkaadka Carabta, in kastoo dhaawacyo la soo gudboonaaday aawadood uu wakhti kooban la qaatay kooxahaas.

Markii uu ciyaaraha ka fariistay, wuxuu Cadan ka noqday macallin dhiga waxbarashada jirdhiska. Sidoo kale wuxuu Tababare iyo wakiil u noqday kooxda ugu faca weyn ciyaaraha dalka Yemen ee Al-tilal FC.


Faarax Maxamed Cali (Faarax Blue), Hiiraan Online
[email protected]








Click here
4/2/2020 3:20 PM EST
Khamiis, April, 2, 2020 (HOL)- Guddiga Puntland u qaabilsan wacyigelinta iyo ka hortagga Covid-19 ayaa xaqijiyay in hal qof oo laga shakiyey lagu karantiiley goob kamid ah goobaha karantiilka ee deegaanada Puntland, maantay oo tariikhdu ahayd 2nd April 2020.

4/2/2020 3:10 PM EST
Khamiis, April, 02, 2020 (HOL) - Wasaarada howlaha guud ee Hirshabelle oo mashruuc hormarineed ka heshay hay’ada SSF, ayaa bilowday dhismaha wado laami ah oo gaareysa 6km ah oo loo qeeybiyay xaafadaha magaalada Beledweyne. Xaafadaha Kooshin, Xaawotako iyo Howlwadag ayaa ka faa’ideeysan doona dhismaha wadadan.

4/2/2020 2:52 PM EST
Khamiis, April, 02, 2020 (HOL) - Khilaaf xoogan ayaa weli ka taagan xil lawareegista gudoomiyaha cusub ee gobolka Hiiraan Cali Jeyte Cismaan oo dhawaan uu soo magacaabay madaxweynaha Hirshabelle Maxamed Cabdi Waare, waxaana diidan inuu xilka wareejiyo gudoomiyihii hore Cali Maxamed Caraale.

4/2/2020 6:00 AM EST
Khamiis, April, 2, 2020 (HOL)- Puntland ayaa todoba ka mid ah dadkii ka soo safray deegaanada Somaliland oo si ku meel gaar ah loogu karatiilay magalaadda Garoowe si rasmi ah ugu wareejisay maamulka Galmudug, sida uu xaqiijiyay afhayeenka madaxtooyada Puntland, Jaamac Deperani.

4/2/2020 4:30 AM EST
Khamiis, April, 2, 2020 (HOL)- Tirada dhimashada coronavirus ee dalka Mareykanka ayaa kor u dhaaftay 5,000 maanta Khamiis ah, sida laga soo xigtay jaamacadda Johns Hopkins.

4/2/2020 3:44 AM EST
Khamiis, April, 02, 2020 (HOL)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo xoojinaya dadaallada ku aaddan ka hortagga cudurka Koroona ayaa Cafis Madaxweyne u fidiyey 148 maxbuus oo u xukunnaa dambiyo fudud.