4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Apr 19, 2020
Soomaaliya oo laga helay 29 kiis oo cusub oo COVID-19 ah
 

Axad, Abril 19, 2020 (HOL) - Wasaaradda Caafimaadka  Soomaaliya ayaa dhowaan soo saartay warbixintii maalinlaha aheyd ee ku saabsaneyd xaaladda COVID-19 iyo dalka .

Maanta oo keliya ayaa waxey wasaaraddu sheegtay in laga helay 29 ruux oo la bukoonaya Coronavirus, kadib baaritaanno lagu sameeyay.

Dadka laga helay ayaa waxey kala yihiin 21 rag iyo 8 dumar ah sida ku cad diiwaanka wasaaradda , halka isu-geyn wadarta guud ay tahay dadka xanuunkan qaaday 164 ruux, sidoo kale warbixinta ayaa lagu sheegay in mid kamid ah bukaannadii xanuunkaan qaaday uu ka bogsooday.

Lama soo werin guud ahaan maanta cid xanuunkaasi ugu geeriyootay dalka, balse horay waxaa ugu geeriyooday 7 ruux.

Soomaaliya waxey kamid tahay dalalka ku yaalla bariga Afrika ee uu saameeyay Bushiga Corobavirus.

Cabdicasiis Axmed Barrow
[email protected]
Hiiraan Online, Muqdisho