4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Apr 19, 2020
Puntland oo shaacisay kiiskii u horreyay ee Covid-19
 

Axad, Abril 19, 2020 (HOL) - Wasiirka caafimaadka Puntland, Jaamac Faarax Xassan ayaa goor dhow sheegay in qofkii u horreeyay ku sugan deegaanka laga helay fayruska Covid-19.

“Muwaadiinkan ayaa ka mid ah labo qof oo dhowaan baaritaan laga qaaday, natiijadiisana waxay noqotay in fayruska laga helay, qofka kalana waa laga waayay.” ayuu yiri isagoo inta ku daray inay wanagsan tahay xaaladiisa.

Dr Jaamac waxaa kalo uu xaqiijiyay in qofka laga helay fayruska uusan muddooyinkan wax safar ah galin.
“Waa arrin muujinaysa inuu fayruska ku dhexjiro Bulshada .” ayuu raaciyay.

Wuxuu ku baaqay in loo hoggaansamo tallooyinka caafimaad ee ka imaanaya hay’adaha caafimaadka iyo guddi ka shaqeynaya wacyigalinta iyo ka hortagga Covid-19.

Iman Jama, Hiiraan Online
[email protected]