4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Apr 19, 2020
Soomaaliya oo hir-gelisay Xarunta dhexe xiriir-ka COVID-19


Axad, Abril 19, 2020 (HOL) - Dowladda Soomaaliya ayaa hirgelisay xarun gaar  ah  oo si casri ah loo qalabeeyay taas oo loogu tala-galay in lagula socdo dadka uu soo ridanayo xanuunka COVID-19,  islamarkaana ay talooyin caafimaad ay ka helaan bukaannada ay xaaladdoodu fududahay.

Sidoo kale xaruntaan ayaa waxey gawaarida bukaan la roorka ah u direysaa,  dadka ay xaaladoodu liidato,  iyadoo loo soo qaadayo Cisbitaalka Martiini, si  ay u helaan kaalmo deg-deg ah.

Xogta goobtaan loogu tala-galay in talooyinka ay ka helaan dadka xanuunka COVID-19 qaba iyo kuwa isaga shakisan ee baaritaanka doonaya ayaa waxaa lagu baahiyay website-ka xafiiska ra'iisul wasaaraha  Soomaaliya,  iyadoo lagu yiri "Goobtaan waxey soo Af-jareysaa, jawareer moray".

Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in Number-ka gaaban ee 449 ay soo wacaan 24-saac in ka badan Afar kun oo ruux.

Soomaaliya ayaa hadda aad ula dagaallameysa bushiga Coronavirus oo maalin walba hadda soo rita dad badan.

Cabdicasiis Axmed Barrow
[email protected]
Hiiraan Online, Muqdisho