4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Apr 19, 2020
Dagaal ka soconaya Fadhigaab oo ka tirsan gobolka Sanaag
  

Axad, Abril 19, 2020 (HOL) - Dagaal u dhexeeya laba beelood ayaa ka soconaya tuulada Fadhigaab oo u dhexaysa degmooyinka Ceelafweyn iyo Gar'adag ee gobolka Sanaag.

Dagaalkan ayaa u dhexeeya laba beelood oo dhowaan colaadooda la soo afjaray, kuwaas oo sanooyin badan in ka badan 10 jeer la joojiyey balse markasta dib u soo cusboonaanaysey.

Dagaalkan saaka bilaabmaya ayaan ilaa hada cid bilaabashadiisa lahayd aan la xaqiijin karin iyadoo labada dhinacba sheeganaayaan in la soo weeraray.

"Ma garanayo sida wax ku bilaabmeen waxaan ka warhelay rasaasta dhacaysa waxaana ku mashquulay sidii aan reerkayga uga fogayn lahaa goobta wax ka dhacayeen oo magaalada badhtankeeda ahayd" sidaa waxaa HOL u sheegtay Maryan Cabdilaahi oo halkaasi ku sugan waxaanay intaas ku dartay in mardanbe oo ay goobta ku soo dhowaatey ay arkaysey dad wadada yaala aanayna garanayn in ay dhinteen iyo in kale.

Dagaalkan oo laysu adeegsanayo hubka noocyadiisa kala duwan ayaa lagu soo waramayaa in guryo badan lagu gubey, waxaanse weli la ogayn qasaaraha dhabta ah ee ka jira.

Waxaa dacalada magaalada ku xayiran gaadiid badan oo u kala gooshaya Burco iyo Ceerigaabo, waxaa kale oo lagu soo waramayaa in ciidankii amaanka halkaa u joogey ay awoodooda ka farabaxsatay ayna ka mid ahaayeen gaadiidka godoonka ah.

Seynab A. Warsame, Hiiraan Online