4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Apr 19, 2020
Sacuudiga oo si Kumeel-gaar ah u fasaxay xoolahii uga dhoofi jiray Soomaaliya
 

Axad, Abril 19, 2020 (HOL) - Wasaaradda arrimaha deegaanka, biyaha, xoolaha iyo beeraha Sacuudiga (MEWA) ayaa waxey sheegtay in si Ku-meel-gaar ah loo fasaxay xoolahii uu Sacuudiga kasoo dhoofsan jiray Soomaaliya,  arrintaasi ayaa waxaa lagu sheegay mid Xukuumadda Riyaad ay ku dooneyso iney ku xoojiso suuqyada Maxalliga ah ee xoolaha nool ee Sacuudiga, Taas oo ah masuuliyadda wasaaraddu ay leedahay oo ah in uusan dhicin gabaabsi ku yimaado cuntada Waddankaasi.

Warkaan oo lagu baahiyay Wakaaladda wararka Sacuudiga ee SPA ayaa lagu sheegay in Wasaaraddaasi ay qorsheyneyso in Soomaaliya lagasoo dhoofiyo xoola dhan 6000 oo neef oo Ido ah iyo  boqol kun oo neef oo geel ah , kuwaas oo la filayo in  muddo soddon maalin ah  ay kusoo galaan suuqyada maxalliga ah ee Sacuudiga .

Sacuudiga ayaa horay u xayiray xoolahii looga dhoofin jiray Soomaaliya, kadib markii la baahiyay warar aan xaqiiq aheyn oo sheegayay iney qabaan xanuunno aadmiga u gudbi kara, taas oo si weyn u dhaawacday suuqii xoolaha ee u dhexeeyay labada Waddan, balse lamma oga , tallaabada tan xigta oo ay qaadi doonto Dowladda boqortooyada Sacuudiga ee ku aaddan dhoofka xoolaha ee Soomaaliya.

Cabdicasiis Axmed Barrow
[email protected]
Hiiraan Online, Muqdisho