4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Apr 19, 2020
Meydadka 44 maxaabiis ah oo lagasoo saaray xabsi ku yaalla Jamhuuriyadda Chad
 

Axad, Abril 19, 2020 (HOL) - Koox maxaabiis ah oo looga shakisnaa iney ka tirsanyihiin Ururka Boko Haram, ee ka dagaallama wadammo ku yaalla galbeedka qaaradda Afrika , ayaa lgasoo saaray xabsi ku yaalla gudaha dalka Chad , iyagoo geeriyooday, taas oo hadda wax weyn la iska weydiinaya sababaha keenay dhimashadooda. Sida sabtidii ay sheegtay dowladda.

Dacwad oogaha Chad Youssouf Tom ayaa sheegay in maxaabiista geeriyootay ay gaarayaan 44 ruux, xilli uu la hadlayay Telefashinka dowladda, maxaabiistan ku dhintay xabsiga ayaa meydkooda la helay khamiistii aynu -soo dhaafnay.

Dhammaan waxaa la aasay meydadkooda, marka laga reebo meydad 4 ah , kuwaas oo la baarayo jirkooda, si loo ogaado wax-yaabaha keenay dhimashadooda

Dhammaadkii bishii lasoo dhaafay ee March Madaxweynaha Idriss Deby ayaa ku amray Ciidamada waddankaasi, iney sameeyaan howl-gal ballaaran oo ka dhan ah kooxda Boko Haram, waxaana weerarkaasi lagusoo qabtay dad gaaraya 58 ruux oo ku eedeysan iney ka tirsanyihiin Kooxdaasi, kuwaasi 44 kamid ah meydkooda laga helay Caasimadda Waddankaasi.

Urur Maxalli ah oo u dooda xuquuqda Aadanaha ayaa sheegay in Maxaabiistaasi oo muddo sadax maalin ah ku jiray qol yar oo ciriiri ah loo diiday biyaha iyo raashiinka muddo sadax bari ah, eedeyntaasi waxaa beeniyay dowladda

Cabdicasiis Axmed Barrow
[email protected]
Hiiraan Online, Muqdisho