4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Apr 19, 2020
Ciidamada dowladda oo al-shabaab ka qabsaday deegaano katirsan gobolka Baay
 

Axad, Abril 19, 2020 (HOL) - Ciidanka militeriga Soomaaliya oo aay wehliyaan ciidanka maamulka Koofur-galbeed ayaa howlgalo kasameeyay deegaano katirsan gobolka Baay, howlgaladan oo saacado qaatay ayaay ciidanku kula wareegeen deegaano hoos taga degmada Diinsoor ee gobolka Baay.

Deegaanada Bandhuub iyo Biilane oo hoos taga gobolka Baay ayaay qabsadeen ciidanka Dowlada,waxaana halkaas kusugnaa dhaq-dhaqaaqa Al-shabaab sida aay xaqiijiyeen sarkiisha hogaamineeysa ciidanka howlgalka fuliyay.

Saaraakiisha ciidanka ayaa sheegay in howlgalkan ujeedkiisu uu ahaa in laga hortago culeeys lasheegay inaay Al-shabaab aay saareen degmada Diinsoor, waxaana dhawaan Al-shabaab aay dileen dad u kala safrayay Diinsoor iyo deegaanada u dhadhaw.

Degamada Diinsoor ee gobolka Baay ayaa kamid ah deegaano aay go’doon galiyeen Al-shabaab, waxaana aad u adag isku socodka dadka iyo gaadiidka ee Diinsoor iyo deegaanada kale. Basle ciidanka ayaa bilaabay howlgalo si aay u yaraadaan culeeysyada Al-shabaab.