4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Apr 19, 2020
Cumar Filish "Waxaan diyaarinay koox u tababaran aaska dadka u geeriyooda xanuunka Covid19"



Axad, Abril 19, 2020 (HOL) - Gudoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho Cumar Maxamuud Filish  oo ka hadlaayay kulanka joogtada ah gudiga ka hortaga Covid19 ayaa sheegay inaay sameeyeen wacyigalin badan oo ku aadan Caronavirus.

Gudoomiyaha gobolka Banaadir ayaa sheegay inaay dadka ka wacyigaliyeen halista Covid19 islamarkaana aay sameeyaan goobaha faraxalka iyo wacyigalin caafimaad, sidoo kale waxaa uu sheegay in dadka aay uga digeen in aay isku yimaadaan.

“Covid19 ma lahan  daaweeyn  laakiin waxaan xooga saarnay inaan wacyigalino shacabka, waxaan sameeynay boorar aan ku dhajinay isgoosyada, waxaana meelaha qaar geeynay agabka faraxalka, waxaan ku dadaalnay inan dadka kala fogeeyno iyo inaan shirar laqaban” ayuu yiri gudoomiye Filish.

Dhanka kale gudoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho ayaa sheegay inaay diyaariyeen koox u tababaran aaska qofka u geeriyooda xanuunka Covid19  iyo koox dadka ka wacyigalisa inan loo imaan qofka qaba xanuunka.

“Waxaan diyaarinay koox u tababaran inaay aasaan qofka u geeriyooda cudurka Covid19, kooxdan waxaa kujira dad culimo ah oo dadka ka wacyigalineeysa inaaysan soo tuuran goobta meeydka lagu asturaayo, waxaan dadka usoo jeedinayaa inaay qaataan talooyinka kooxaha caafimaadka si looga hortago cudurkan” Gudoomiye Cumar Filish.

Kulanka joogtada ah ee gudiga kahortaga cudurka Covid19 ayaa lagu dhageeystay dhaqaatiir iyo madax katirsan dowlada federaalka, waxaana wasaarada caafimaadku aay soo bandhigtay halista cudurka iyo sida xowliga ah ee uu u faafayo.

Wasaarada ayaa sheegtay in tiradii ugu dambeeysay aay ahaayd 19 ruux oo uu soo ritay xanuunka, waxaana tirada guud aay mareeysaa 135 qof oo laxanuunsan cudurka Covid19.