4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Apr 18, 2020
Madaxweyne Farmaajo oo daah-furay barnaamij taakulo loogu sameynayo danyarta Soomaaliyeed


Sabti, Abril 18, 2020 (HOL) - Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa munaasabad maanta ka dhacday xarunta madaxtooyadda Soomaaliya ku daahfuray Barnaamijka Baxnaano oo taakuleyn dhaqaale lagu siinayo qoysaska danyarta ah.

Barnaamijkan Baxnaano ayaa qayb ka ah siyaasadda ilaalinta Bulshada ee Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada oo hay’adda ugu muhiimsan ee dawladda ugana mas’uul ah abuuridda nidaam shaqooyin loogu abuurayo bulshada, sare u qaadida bulsho wada-socota iyo horumarinta nidaamyo deggan ee ammaan bulshadeed. Iyadoo haddaba gudanaysa waajibaadkan, ayey Wasaaraddu samaysay Siyaasadda Ilaalinta Bulshada, taasoo ay Golaha Wasiirradu ansixiyeen Sebteember 2019. Siyaasaddani waxay wax ku biirinaysaa Tubta Arrimaha Bulshada iyo Qorshaha Qaran ee 9aad (2020-2024). Ilaalinta Bulshadu waa qeyb muhiim ah oo ka mid ah istiraatijiyadda Dawladda Federaalka Soomaaliya kula dagaallamayso saboolnimada isla markaana sare ugu qaadayso adkaysiga bulshada. Arrintani waxay ku xusan tahay Dastuurka KMG ee Soomaaliya (2012), kaasoo sheegaya xuquuqaha qof kasta u leeyahay helitaan xuquuq dhaqaale iyo bulsho, ay ku jirto Ilaalinta guud ahaan Bulshada iyo gaar ahaan dadka aadka u nugul.

Agaasimaha Arrimaha Bulshada ee Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada, ahna madaxa barnaamijka Baxnaano, Marwo Fardowsa Axmed Cabdullaahi ayaa daahfurka ka sheegtay Siyaasadda Ilaalinta Bulshada inay ku jihaysan tahay aragti waqti-fog, ee ilaa 20 sanno,iyadoo inta ku dartay marka la gaaro sannadka 2040, inay Soomaaliya ahaan doontaa mid leh nidaam sugan ee ilaalinta bulshada taasoo bixinaysa caawinaad la sii odorosay ee nolosha qaybaheeda kale duwan oo saamaynaysa dhammaan bulshada Soomaaliyeed lana beegsanayo dadka ugu nugul.

Cabdiraxmaan Ducaale Beyle , wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegay barnaamijka Baxnaano oo u maanta daahfuray madaxweynaha inuu muhiimad ballaaran u leeyahay dalka,maaddama uu gaarayo bulshada nugul, wuxuuna caddeeyay fulintiisa inay qeyb ka tahay dadaallada deynta cafinta ee socda.

Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada, Mudane Sadiq Xirsi Warfa ayaa daahfura barnaamijka ku tilmaamay inay taariikh u tahay bulshada Soomaaliya, waa markii u horreysay dowladda ka helaya caawimaad toos,iyadoo la beegsanayo bulshada kuwa ugu nugul, isagoo marka sheegay in wasaaradda uu hoggaamiyo ay dadaal badan ku bixisay hirgalinta barnaamijkan.

“Iyadoo laga duulayo heerka saboolnimada dadkeena ay gaarsiisan tahay, ayaan waxaan u hawlgalnay inaan keeno qaab looga gudbinayo buundada mucaawinada kaliya ku jihaysan, iyadoo wax laga qabanayo arrimaha cunno-yarida iyo nafaqada, qaabkaas oo ah BARNAAMIJKA BAXNAANO oo ah mid lacag caddaan ah bil kasta muddo sannad ah garsiinaya qoysaska saboolka ah ee nugul isla markaana lagu dhisayo nidaamka lagu baxnaaninayo bulshada Soomaaliyeed ee ay ragaadiyeen abaaraha iyo colaaduhu ee masiibooyinka degdeg ah ku yimaadaan. Barnaamijkani waxaa wejiga koowaad lagu caawinayaa 200,000 qoysas sabool ah oo nugul (qiyaastiina ah 1.3 milyan oo qof) ee haysta carruur da’doodu ka hoosayso shan sanno ee guud ahaan dalka Soomaaliya, kuna nool meelaha miyiga ah, laga billaabo Caluula ilaa Badhaadhe.”

Madaxweynaha Soomaaliya,Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo gabagabada munaasabadda si rasmi ah barnaamijka Baxnaano u daahfuray ayaa ku boggaadiyey Xukuumadda dadaalka ay ku bixisay xaqiijinta ballan-qaadkii ku aaddanaa dib u soo nooleynta adeegyada aas-aasiga ah ee dadweynaha iyo kor u qaadista fursadaha shaqo, heerka nololeed iyo dakhliga dalka, isaga oo tilmaamay in daah-furka barnaamijkan uu ku soo aadday xilli cudurka COVID-19 uu saameeyey nolasha iyo ganacsiga dadka Soomaaliyeed.

“Waxaa inoo diyaarsan Qorshaha Horumarinta Qaran ee 9aad oo si faahfaahsan u qeexaya qorshaha aan ku wajahayno saboolnimada, cunta yarida, annagoo xoogga saareyna kor u qaadidda nolasha dadka u nugul xaaladaha deg-deg ah sida abaaraha, duufaannada, cudurrada iyo guud ahaan musiibooyinka dabiiciga ah ee ina soo food saara.”

Madaxweyne Farmaajo ayaa faray Xukuumadda, gaar ahaan Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshda oo hoggaamineysa Barnaamijka Baxnaano in si daah-furan oo hufnaan iyo cadaalad ah ay ku fuliso Barnaamijkan, iyada oo daryeelaysa qoysaskan danyarta ah ilaa ay ka gaarsiineyso heer isku filnaansho nololeed oo ay iskood u maareyn karaan nolashooda, si wejiyada xiga ee Barnaamijka Baxnaano loogu sii baahiyo Malaayiin kale oo ka mid ah shacabkeenna Soomaaliyeed oo u oo man adeegyada dowladeed.

Barnaamijka Baxnaano ee Dowladda Federaalka Soomaaliya ay ku xoojineyso adeegyada dadweynaha ayaa laga hirgelinayaa 21 degmo oo ku yaal dalka iyo deegaannada hoostaga degmooyinkaas, iyada oo loo qoondeeyey dadkaas danyarta ah taakuleyn dhaqaale oo ah 4 Malyan oo doolar bishiiba.

Cabdicasiis Axmed Barrow
[email protected]
Hiiraan Online, Muqdisho