Hiiraan Online
3/29/2024
Today from Hiiraan Online:
Home
Somali Map
Sports
Opinion
RSS
Somali Music
Contact Us
Facebook
Twitter
Google Plus
Wararka Maanta- Jimco, Apr 17, 2020
Soomaaliya oo laga helay 36 kiis oo cusub oo COVID-19 ah
Jimco, Abril 17, 2020 (HOL) - Wasaaradda caafimaadka Soomaaliya ayaa xaqiijisay in maanta oo keliya dalka laga helay 36 kiis oo cusub oo ah xanuunka COVID-19, iyadoo arrintaasi ay kor usii qaadday xaddiga uu bushiga Coronavirus ugusii fidayo Soomaaliya.
Wadarta guud dadka qaba xanuunkan ayaa hadda noqonaya 116 ruux guud ahaan Soomaaliya, iyadoo wasaaradda caafimaadku ay werisay dhimashada shan qof, halka laba ruuxna ay ka bogsadeen.
Dadka xanuunka laga helay ayaa waxey yihiin maanta oo keliya 27 rag ah iyo 9 dumar ah, sida ku cad warka ay wasaaraddu sii daaysay.
Dowladda Soomaaliya ayaa wadda dadaallo xooggan oo ay ku dooneyso iney ku xakameyso fiditaanka Coronavirus, waxaana kiisaskaan cusub lasoo werinayaa iyadoo dad badan oo ku nool Muqdisho ay ka cabanayaan inuu hayo hargab amma duray, hase-ahaatee waxaa aad u yar dadka tegaya goobaha Caafimaadka si ay isaga soo baaraan xanuunka COVID-19.
Cabdicasiis Axmed Barrow
[email protected]
Hiiraan Online, Muqdisho
Turkiga oo Soomaliya usoo diray diyaarad militari oo siday qalabka ka hortagga 'Covid-19
4/17/2020 5:25 PM EST
Jimco, Abril 17, 2020 (HOL) - Turkiga ayaa u soo diray Soomaaliya diyaarad rar ah oo sahay caafimaad ah Jimcihii maanta si ay gacan uga geysato dagaalka ay Soomaaliya kula jirto cudurka loo yaqaan coronavirus.
Hirshabelle oo diiday duulimaadyada gaarka ah ee deeganadeeda
4/17/2020 5:15 PM EST
Jimco, Abril 17, 2020 (HOL) - Warqad kasoo baxday xafiiska madaxweeynaha Hirshabelle Maxamed Cabdi Waare ayaa lagu amray in lajoojiyay duulimaadyada rayidka ah iyo kuwa gaarka ah, sidoo kale waxaa la’ogolaaday diyaaradaha AMISOM,UN-ka iyo kuwa gargaarka.
Xawaaladda Taaj oo beenisay war ay qoreen qaar kamid ah Warbaahinta Kenya
4/17/2020 11:23 AM EST
Jimco, Abril 17, 2020 (HOL) - Wargeys-yada caanka ah ee kasoo baxa Kenya ee Standard iyo the-Star ayaa saakay qoray War ay ku sheegeen iney Dowladda Kenya heshay xog ku saabsan in hay’adda Sirdoonka Qaranka Soomaaliya mas’uuliyiin ka tirsan iyo ururka Al-shabaab ay leeyihiin xiriir wada –shaqeyn ah , iyagoo dhinaca kalena soo bandhigay Warqad ay ku sheegtay dowladda Kenya ka heshay Ilo sirdoon oo lagu tilmaamay in Al-shabaab lacago loogu diray.
Burundi oo sheegtay in doorashada soo socota aaney codeyneyn qurba-joogta
4/17/2020 6:31 AM EST
Jimco, Abril 17, 2020 (HOL) - Wasiirka ammuuraha dibadda Wadanka Burundi ayaa sheegay aaney awoodin guddiga doorashada dalkaasi in dadka qurba joogta ahi qeyb ka noqdaan cod-bixiyayaasha doorashada dhaceysa bisha soo socota, sababo la xiriira dhibaatada bushiga Coronavirus uu ku hayo awgeed.
Kenya oo sheegtay iney baareyso xiriir jiri kara oo u dhexeeyo NISA iyo Al-shabaab
4/17/2020 5:30 AM EST
Jimco, Abril 17, 2020 (HOL) - Sida lagu daabacay Website-ka waregsyka the standard ee kasoo baxa magaalada Nairobi, dowladda Kenya ayaa sheegtay iney baaritaan ku sameyneyso wada shaqeyn la sheegay iney leeyihiin hay’adda mukhaabaraadka iyo sirdoonka Soomaaliya ee NISA iyo xubno sar sare oo ka tirsan Ururka Al-shabaab.
Gudoomiye kuxigeenka baarlamanka oo xukuumada ugu baaqay in lafuro cisbitaalka Sheikh Zayed
4/17/2020 5:23 AM EST
Jimco, Abril 17, 2020 (HOL) - Gudoomiye kuxigeenka labaad ee golaha shacabka Soomaaliya Mahad Cabdalla Cawad oo booqday cisbitaalka Sheikh Zayed oo aay maamuli jireen dowlada Imaaraadka ayaa madaxda dowlada Soomaaliya ka codsaday in lafuro cisbitaalka oo xiligan muhiim u ah dadka Soomaaliyeed.
Hay’adda Amnesty International oo codsatay in bilaa shuruud lagusii daayo Weriye Coldoon
4/17/2020 4:41 AM EST
Jimco, Abril 17, 2020 (HOL) - Hay’adda caalamiga ah ee xuquuqda aadamiga ee Amnesty ayaa ka codsatay Somaliland si dhaqso ah lagusii daayo Weriye Cabdimaalik Muuse Codoon oo muddo sanad ah u xiran.
Somali News
New COVID-19 guidance published for journalists and media houses in Somalia
-
NUSOJ
4/17/2020 9:07 AM EST
he National Union of Somali Journalists (NUSOJ) has today published new guidance (advices) setting out how journalists and media houses in Somalia can meet their media duties as they navigate the effects of the coronavirus pandemic.
Senior Taaj official says NISA/Al-Shabaab receipt was doctored
-
HOL
4/17/2020 7:53 AM EST
Mogadishu (HOL) - A dodgy report published by two leading Kenyan newspapers asserting that Somalia's intelligence agency is in cahoots with Al-Shabaab militants has been debunked by a senior official at Taaj Money Transfer.
Amnesty calls for ‘immediate and unconditional’ release of Somaliland journalist
-
HOL
4/17/2020 7:44 AM EST
HARGEISA (HOL) - The campaign group Amnesty International has called for ‘immediate and unconditional release of Abdimalik Muse Oldon a freelance journalist in Somaliland who is currently serving a three-year jail term.
Coronavirus: Trudeau promises rent relief for small and medium-sized businesses
-
Global News
4/17/2020 3:22 AM EST
Prime Minister Justin Trudeau is promising rent support to assist small and medium-sized businesses amid the coronavirus pandemic.
China urges World Bank to suspend debt payments for poorest countries
-
Reuters
4/17/2020 12:48 AM EST
WASHINGTON (Reuters) - China on Thursday urged the World Bank to allow its poorest borrowers to suspend debt payments while they deal with the coronavirus pandemic, saying the world’s biggest multilateral development bank should “lead by example.”
Somali intelligence funding Shabaab to attack Kenya — report
-
The Star
4/17/2020 12:44 AM EST
A senior official is the main contact person and is in constant communication with the militant group
Africa to roll out more than 1 million coronavirus tests
-
AP
4/17/2020 12:38 AM EST
JOHANNESBURG - More than 1 million coronavirus tests will be rolled out starting next week in Africa to address the “big gap” in assessing the true number of cases on the continent,
Backing Trump, U.S. Republicans call for WHO chief to resign
-
Reuters
4/17/2020 12:23 AM EST
WASHINGTON (Reuters) - Republican U.S. lawmakers echoed President Donald Trump’s criticism of the World Health Organization on Thursday, with some suggesting he withhold aid until the U.N. agency’s director general resigns while others called for an international investigation of its handling of the coronavirus.