Jimco, Abril 17, 2020 (HOL) - Wasiirka ammuuraha dibadda Wadanka Burundi ayaa sheegay aaney awoodin guddiga doorashada dalkaasi in dadka qurba joogta ahi qeyb ka noqdaan cod-bixiyayaasha doorashada dhaceysa bisha soo socota, sababo la xiriira dhibaatada bushiga Coronavirus uu ku hayo awgeed.
Isagoo sii hadlayay ayaa waxa uu yiri "Suura-gal maaha in xubnaha guddiga doorashada ay gaaraan xarumaheenna safaaradeed ee dalka dibaddiisa ah".
Qaar kamid ah qurba-jooga ayaa durbaba dhaliilay hadalka Wasiirka khaarajiga ah ee Burundi, waxeyna sheegeen inuu carqaladeynayo xuquuqdooda, taas oo aan u muuqan xal, sida ay qeexeen.
Ku dhowaad 13 kun oo muwaadniin diiwaan gashan ah ayaa ku nool dibadda kuwaasi oo is qoray si ay ugu codeeyaan doorashada baarlamanka iyo tan madaxtinimada ee la filayo iney dhacdo 20-ka bisha soo socota.
Saraakiil sare oo dowladda Burundi ka tirsan ayaa Warbaahinta u sheegay iney rajeynayaan, in aysan waxba iska bedalin hadafkii doorashada islamarkaana aanu saameyn COVID-19.
Shan ruux ayaa laga helay dalkaasi xanuunka Coronavuris, hal qofna waa uu u geeriyooday.
Shan musharrax oo dhammaantood rag ah ayaa ku loolameysa doorashada kuwaas oo uu mid walba doonayo inuu bedalo Madaxweyne Pierre Nkurunziza oo talada Waddankaasi soo hayay illaa 2005.
Cabdicasiis Axmed Barrow
[email protected]Hiiraan Online, Muqdisho