Khamiis, April 16, 2020 (HOL )– Shirkii golaha wasiirada Somaliland ayaa maanta ku qabsoomay habka maqalka iyo muuqaalka ee isgaadhsiinta Internetka, kuwaas oo iyagoo xafiisyadooda kala jooga shirkooda ku qabsaday adeegan.
Shirkan golaha wasiirada waxa shirgudoominayey madaxweyne Biixi, waxaana lagaga hadlayey cudurkan faraha baas ku haya dunida ee Covid-19, waxaana lagaga doodayey sidii looga hortegi karo, sidii looga feejignaan lahaa iyo hoos u dhaca ku yimid dhaqaalihii dawladda oo sababtay inay is dhinto kutalogalkii miisaaniyadda 2020-ka..
ugu horrayn warbixin la xidhiidha xanuunka covid 19 laga dhegeystay wasiirka horumarinta caafimaadka, Mudane Cumar Cali Cabdilaahi waxaanu wasiirku ku dheeraaday dadaalka iyo u diyaargarawga ka hortagga xanuunka ee wasaaradda horumarinta caafimaadku ugu jirto iyadoo kaashanaysa guddida heer qaran ee u diyaargarawga iyo ka hortagga xanuunka ay xil weyn iska saareen badqabka bulshada, waxaanu wasiirku sheegay in baadhitaanno lagu sameeyey dad looga shakiyey xanuunka, tirada rasmiga ah ee xanuunka laga helayna tahay shanti qof ee hore loo shaaciyey, iyada oo laba qof oo laga shakisan yahana jawaabta shaybaadhkooda la sugayo, sidoo kale waxa uu wasiirku xusay in gobol walba iyo xuduudaha dalka ay ka hirgeliyeen goobo u gaara xanuunka oo ay ku sugan yihiin hawl-wadeenada caafimaadku.
Sidoo kale, madaxweyne ku xigeenka Somaliland ahna guddoomiyaha guddida heer qaran ee u diyaargarawga iyo ka hortagga xanuunka covid 19, Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) ayaa golaha warbixin ka siiyay hawsha ay wadaan isagoo xusay inay hadh iyo habeen heegan ugu jiraan ka hortaga iyo diyaar garowga xanuunka Covid-19 iyagoo kaashanaya guddiyada gobolada iyo degmooyinka ilaa imikana si fiican ay hawshu ugu socoto, wuxuna tilmaamay madaxweyne ku xigeenku in ay socoto fulinta go’aamadii ay soo saareen.
Dhinaca kale, wasiirka wasaarada horumarinta maaliyada, Dr. Sacad Cali Shire ayaa golaha warbixin ka siiyey saamaynta dhaqaale ee uu xanuunku ku yeeshay guud ahaan dhaqaalaha dunida, gaar ahaanna Somaliland, isagoo wasiirku caddeeyey in xanuunkani saameeyey mala’awaalka miisaaniyad-sanadeedka qaran ee 2020, sababina karo hoos udhac dhaqaale, sidaa awgeed la tashiili doono miisaaniyada dalka, iyadoo dawladduna qorshe ka yeelan doonta saamaynta dhaqaale ee xanuunkani bulshada ku keeni karo.
Ugu danbayntii waxa goluhu isla qaateen in la dardargeliyo baraarujinta iyo wacyigelinta bulshada ee xanuunka covid 19, iyagoo shacabka u soo jeediyey inay u hoggaansamaan awaamiirta guddida heer qaran ee covid 19 iyo talooyinka caafimaad ee la soo saaray .
Barkhad-ladiif M. Cumar, Hiiraan Online
[email protected]Hargeysa, Somaliland