Khamiis, Abril 16, 2020 (HOL) - Dalka Norway ayaa warbixin uu soo saaray ku sheegay in afartii qof ee la dhigo isbitaalka uu qof kamid ah yahay Soomaali qaxooti ku ah dalkaas. Halka dalka Sweden uu caddeeyay dadka ugu badan ee cudurka Coronavirus laga helay ay yihiin Soomaalida iyo qaybo ka mid ah dadka Bariga Dhexe.
Dalka Finland waxaa uu dhankiisa sheegay in qiyaastii 200 kiis laga dhex helay dadka Soomaalida ah ee dalkaas ku nool.
Sababaha ugu weyn ee Soomaalida ugu nugul yihiin cudurka, ayaa lagu sheegay inay tahay, Xaaladahooda nololeed oo cakiran, asalka dhaqan-dhaqaale ee xun, iyo xirfadaha luuqadda oo ay Soomaalidu ku liitaan.
Soomaalida dalalkaas ku dhaqan waxa ay ka shaqeeyaan shaqooyin hoose oo mushahar yar, sida iibiyayaal, nadiifiyeyaal, wadayaasha basaska, kalkaaliyeyaasha caafimaadka, iyo wixii la mid ah. Ma haystaan ikhtiyaar ay dadka kale ku qasbanaadaan inay meel fog ka shaqeeyaan.
Sweden wuxuu wadar ahaan cudurku marayaa 11,927 kiis oo la xaqiijiyey iyo 1,203 dhimasho. Finland wuxuu marayaa 3,237 kiis iyo 72 dhimasho ah halka Norway ay ka tahay 6,798 kiis iyo 150 dhimasho.