Arbaco, Abril 15, 2020 (HOL) - War la sheegay in 13-April-2020 laga soo xigtay Guddiga u diyaar-garowga la dagaallanka xanuunka COVID-19, ayaa dhaliyay muran xooggan gudaha Somaliland, kadib markii la tilmaamay in la xirayo masaajidda ku yaalla gudaha Somaliland, si bushiga Coronavirus looga hortago.
Arrintaasi waxaa ka hadlay culimo badan oo caan ka ah gudaha Somaliland, iyagoo soo hadal-qaaday, sababaha loo xirayo masaajidda, halka uu si maalinle ah gudaha magaalooyinka waaweyn iyo deegaannada kalaba uu gaaro khaadka oo ka yimaada dhinaca Itoobiya oo xanuunka COVID-19 uu ku soo ritay dad badan.
Haddaba, waxaa arrintaasi War-saxaafadeed u muuqda inuu yahay mid fahamka bulshada lagu saxayo soo-saaray guddiga Somaliland u qaabilsan ka hortagga Bushiga Corona, waxeyna war-ssaxaafadeedka oo dhowr qodob ka koobnaa loogu sheegay dadka in aan marnaba lasoo hadal-qaadin in masaajiddada la xirayo, balse taas bedalkeeda ay sheegeen in lagu tukado xaafadaha si loo qaato talooyinka ay bixinayaan khuburada caafimaadka.
Sidoo kale Culimada ayaa laga codsaday in aysan durbaba ka hadlin, wararka aysan hubsan, si uusan mar kale abuurmin xaalad cusub oo dhibaateyn karta in Somaliland ay xakameyso COVID-19.
Somaliland ayaa horay looga helay dhowr kiis oo ah COVID-19, waxeyna xuduud la wadaagtaa Itoobiya iyo Jabuuti oo si aad ah Cudurkaan loogasoo werinayo.
Cabdicasiis Axmed Barrow
[email protected]
Hiiraan Online, Muqdisho.