Arbaco, Abril 15, 2020 (HOL) - Dowladda federalka Soomaaliya ayaa caawa magaalada Muqdisho ka dhaqan galisay bandow habeenimo oo soconaya laga bilaabo 8:00PM fiidnimo illaa shanta subaxnimo, si loo joojiyo isku socodka bulshada.
Ciidamada booliiska ayaa lagusoo daadiyay waddooyinka magaalada Muqdisho, waxaana bandowgu uu saameeyay ganacsiga marka laga reebo dukaanada cuntada qalalan iyo xarumaha caafimaadka. Wuxuu kaloo saameeyay isku socodka bulshada iyo gaadiidka,
Ujeedada laga leeyahay bandowgaan ayaa ah, sidii loo yareyn lahaa fiditaanka cudurka Coronavirus oo maalmihii lasoo dhaafay si aad ah ugu dhex faafayay magaalada Muqdisho, taasoo ugu wacan in dadku ay ka gaabiyeen wacyi galintii iyo talooyinkii caafimaad ee loosoo jeediyay.
Bandowgaan waxaa uu ku egyahay Muqdisho, sababtuna waxay tahay, waa magaalada ugu dadka badan, lagana diiwaan galiyay kiisaskii ugu badnaa cudurka Covid19.
Dhinaca kale, maamulka Puntland ayaa kordhiyay bandoowga habeenimo ee saaran magaalooyinka maamulkaas, waxaana lagu kordhiyay laba toddobaad.