Arbaco, Abril 15, 2020 (HOL) - Madaxweynahii hore ee Jamhuuriyadda Soomaaliya Xasan Shiikh Maxamuud ayaa waxa uu ka hadlay Xarigga Weriye Cabdicasiis Axmed Gurbiye oo ah agaasime ku-xigeenka Warbaahinta Goobjoog ee Magaalada Muqdisho, oo shalay lagu xiray saldhigga degmada Hodan ee Gobolka Banaadir.
Xasan Shiikh Maxamuud ayaa qoraal kooban oo ku qornaa Afka English-ka uu soo dhigay bogga lagu gudbiyo farriimaha gaagaaban ee Twitter-ka waxa uu ku yiri:-
''cabsi gelinta iyo xarigga saxafiyiinta ka dhanka ah si loo aamusiyo, maaha mid caawineysa hir-gelinta dimuquraadiyadda dalkeenna Soomaaliya, xarigga Weriye Gurbiye waa sameynta calaamad muujineysa astaan dhaqan keli-talisnimo”.
Madaxweynahii hore ee Soomaaliya ayaa farriintiisa waxey ku biireysaa baaqyada lagu taageerayo in Weriye Gurbiye lagu siiyo xoriyaddiisa, isagoo maalintii labaad ku jira gacanta dowladda Soomaaliya.
Horay ayaa waxaa shalay baaqyo qoraal ah u diray saxafiyiinta, siyaasiyiin caan ah, aqoonyahanno, xildhibaanno ka tirsan dowladda, kuwaas oo dhammaan ka codsaday dowladda Soomaaliya in xoriyaddiisa loosoo celiyo suxufigaasi xiran.
Cabdicasiis Axmed Barrow
[email protected]Hiiraan Online, Muqdisho