Talaado, Abril 14, 2020 (HOL)- Hay'adda Lacagta Adduunka (IMF) ayaa oggolaatay in deynta laga cafiyo 25 dal si looga caawiyo wax ka qabashada saameynta masiibada uu la yimid cudurka COVID-19.
Maareeyaha IMF Kristalina Georgieva ayaa war-saxaafadeed ku sheegay, tilaabadaan inay ka caawinayso wadamadu inay helaan ilo dhaqaale oo ku wajahan caafimaadka degdegga ah iyo dadaallada kale ee gargaarka.
Wadamadan waxay kala yihiin, Afghanistan, Benin, Burkina Faso, Central African Republic, Chad, Comoros, Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ee Kongo, Gambiya, Guinea, Guinea-Bissau, Haiti, Liberia, Madagascar, Malawi, Mali, Mozambique, Nepal, Niger, Rwanda, , Sao Tome iyo Principe, Sierra Leone, Solomon Islands, Tajikistan, Togo, iyo Yemen.
Bishii la soo dhaafay, IMF iyo Bangiga Adduunka ayaa soo saaray baaq wadajir ah oo ay ku boorinayaan deyn-bixiyeyaasha inay cafiyaan lacagaha ay ku leeyihiin dalalka ugu saboolsan adduunka, oo ay Soomaaliya kamid tahay.