Talaado, Abril 14, 2020 (HOL)- Madasha aay ku mideeysanyihiin qaar kamid ah xisbiyada Soomaaliya ayaa talooyin usoo jeedyay dowlada federaalka, dhaqaatiirta iyo ganacsarada waxaana aay kula taliyeen in meel loogasoo wada jeesto ka hortaga iyo daaweeynta cudurka Caronavirus oo xiligan ku faafaya gudaha Soomaaliya.
Madaxweeynihii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sh. Axmed oo ka hadlay warbaahinta ayaa sheegay inaay muhiim tahay in si wadajir ah looga hortago Covid19, waxaana dhanka kale uu sheegay in dowlada looga baahanyahay inaay keento qorshe cad oo ku aadan xanuunkan iyo inaay bulshada u jiheeyso inaay inaay is caawiyaan.
“Waxaan rabaa inaan talooyin usoo jeediyo dowlada,ganacsatada, bulshada Soomaaliyeed iyo beesha caalamka, cudurkan COVID19 waa mid halis badan waxaana dowlada looga baahanyahay inaay kor u qaado ka hortaga cudurkan sidoo kale waa inaay keentaa daawooyinkii kahortaga iyo kuwa daaweeynta, waxaa sidoo kale dowlada looga baahanyahay inaay isku dabarido shacabka islamarkaana aay lawadaagto xogta rasmiga ah, waxaa kale oo muhiim ah in canshuur dhaaf loo sameeyo qutul-daruuriga aadka loogu baahanyahay”. Ayuu yiri Sh. Shariif.
Madaxweeynihii hore ee Soomaaliya Sh. Shariif Axmed ayaa ganacsatada usoo jeediyay inaay caawiyaan dadka danta yar islamarkaana dhaqaalihii xajka iyo sakooyinka aay u weeciyaan dadka tabarta yar sida kuwa kunool xeryaha barakacayaasha ah, waxaa kale oo uu ganacsatada u jeediyay inaay hoos u dhigaan sicirka raashinka qutul-daruuriga ah.
Madasha xisbiyada ee uu hogaamiyo Sh. Shariif ayaa sidoo kale dhaqaatiirta u sheegtay inaay badiyaan ololaha wacyi-galinta dhamaan deegaanada Soomaalida, wuxuu sheegay in maanta looga baahanyahay inaay dhexda u xertaan sidii aay u badbaadin lahaayeen dadkooda, wuxuu sidoo kale shacabka u sheegay inaay qaataan talooyinka laamaha caafimaadka.
Ugu dambeeyn Sh. Shariif ayaa baaq u diray beesha caalamka isagoo ka codsaday inaay bulshada Soomaaliyeed garab kusiiyaan helitaanka qalabka, daawada iyo dhaqaale wax looga qabanaayo cudurka Caronavirus iyo caawinta dadka danta yar.
Hadalka kasoo baxay madasha xisbiyada qaran ayaa imaanaya xili wasaarada caafimaadku aay sheegtay inaay laba jibaar ka badan aay kor u kaceen kiisaska Karona Fayris, waxaana tirada guud aay gaartay 60 qof iyo laba qof oo dhimasho ah halka qof kaliya uu ka badbaaday.