5/29/2020
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Apr 1 , 2020
Dalalka ku bahoobay ‘Paris Club’ oo 1.4 Bilyan oo dallar ka cafiyey Soomaaliya




Arbaco, April, 1, 2020 (HOL)- Shir qaatay ku dhawaad 10 sacaadood oo mareegta internet-ka ee loo yaqaano (Video-Conference) ku dhexmaray masuuliyiin uu hoggaaminayey Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya Dr. C/raxaam Ducaale Beyle iyo wakiilo ka socday dalalka ku bahoobay Paris Club ayaa looga wadahadlay muhiimadda ay xilligan Soomaaliya u leedahay in dalalka ku mideysan Paris Club ay Soomaaliya ka cafiyaan Deymiihii lagu lahaa.

Waddamada ku bahoobay Naadiga Paris Club ayaa ugu horeyn bogaadiyey Soomaaliya in ay soo gaarto heerka go’aan qaadashada, iyadoo ka mid ah, dalalka Saboolka ah ee lagu leeyahay deymaha farah badan ee samata bixintooda loo maro hannaanka loo losoo gaabiyo (HIPC).

War-saxafadeed ka soo baxay dalalka Paris Club ayaa lagu sheegay dadaalada ay sameeysay Soomaaliya ay ku hogaamisay bahwadaagta Paris Club in Soomaaliya ay ka cafiyaan lacag dhan 1.4 Bilyan oo doollarka Mareykanaka ah.

Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya Dr. C/raxmaan Ducaale Beeyle ayaa soo dhaweeyey go’aanka ay dalalka ku bahoobay Naadiga Pris ay qeyb deyntooda uga cafiyeen Soomaaliya

“Run ahaantii aadbaan ugu faraxnay go’aanka kasoo baxay wadamada ku bahoobay Paris Club oo dalkeena looga cafiyey lacag dhan 1.4 Bilyan oo dollar, oo ka mid aheyd deymaha lagu lahaa Soomaaliya, aniga oo ku hadlaya magaca Dowladda iyo Shacabka Soomaaliyeed waan uga mahadcelineynaa talaabadaas ay qaadeen Paris Clup, waxaana ka rajeeneyna in inta dhiman ay naga cafin doonaan” Sidaas waxaa yiri Wasiirka Maaliyadda Dr. C/raxmaan Ducaale Beyle.

Dalalka Jarmalka, Belgium, Denmark, Faransiiska, Talyaaniga, Japan, Netherlands, Norway, dalweynaha Ruushka, Spain, Ingriiska, Mareykanka iyo dalalka kale oo ka mid ah Naadiga Paris Club ayaa  goob joog ka ahaa shirkaan, iyadoo ay ku wehliyeen wakiilo ka socday dowlado iyo hay’ado caalimi ah ee ka shaqeeya arrimaha dhaqaalaha oo ay ka mid tahay hay’adda lacagta aduunka ee IMF.

Tallaabadan ay qaadeen dalalka ku mideeysan Paris Club ayaa kusoo aaday todobaad ka hor markii Hay’adda lacagta Aduunka ee IMF, Baanka aduunka iyo Banigiga Hormarinta Afrika ay ku dhawaaqeen in Soomaaliya ka saamaxeen Malaayiin dollar oo lagu lahaa.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online
[email protected]









Click here
4/1/2020 2:36 PM EST
Arbaco, April, 1, 2020 (HOL)- Bandow adag ayaa caawa ka dhaqan galay magaalooyinka waaweyn ee dowlad goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland, sida uu kusoo waramayo weriyaha Hiiraan Online ugasoo warama degaanada Puntland.

4/1/2020 1:55 PM EST
Arbaco, April, 1, 2020 (HOL)- G/sare Cusmaan Muuse Maqaarow oo kamid ahaa saraakiisha Ciidanka Milateriga Soomaaliya, ayaa lagu dilay qarax miino oo lagula eegtay degmada Hodan ee gobolka Banaadir.

4/1/2020 11:53 AM EST
Arbaco, April 01 2020 (HOL )– Madaxweynaha Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa 574 maxbuus cafis u fidiyey, kuwaas oo ku xukunnaa dambiyado aan waaweynayn.

4/1/2020 6:52 AM EST
Arbaco, April, 01, 2020 (HOL)-Amb. Cali Saciid Fiqi ayaa maanta ku guuleystay xilka Guddoomiyaha Baarlamaanka Koofur Galbeed, doorasho ka dhacday Baydhabo ee xarunta gobolka Baay.

4/1/2020 6:45 AM EST
Arbaco, April, 1, 2020 (HOL)- Puntland ayaa caawo laga bilaabo salaada maqrib kadib waxay goboladeeda ka dhaqan galindoontaa bandow lagu yarayndoono isku socodka dadweynaha iyo gaadiidka, si looga hortaggo faafitaanka cudurka coronavirus.

4/1/2020 5:35 AM EST
Arbaco, April, 1, 2020 (HOL)- Alle ha u naxariistte waxaa Magaalada London ee dalka Ingiriiska ku geeriyooday AUN Ra'iisal Wasaarihii hore ee Soomaaliya AUN Nuur Xasan Xuseen (Nuur Cadde) oo beryahaan ku xanuunsanaa Isbitaal ku yaalla Magaalada London.

4/1/2020 5:15 AM EST
Arbaco, April, 1, 2020 (HOL)- Wiil 13 jir ah oo ku noolaa London ayaa noqday dhibbanihii ugu da’da yaraa ee u geeriyoooda coronavirus.

4/1/2020 5:01 AM EST
Arbaco, Apil, 01, 2020 (HOL)-Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya Nuur Xassan Xusseen (Nuur Cadde) ayaa la xaqiijiyey in uu maanta ku geeriyoodey magaalada London ee dalka Britain.

4/1/2020 2:27 AM EST
Arbaco, April, 01, 2020 (HOL)- Maanta oo Arbaco ah ayaa lagu waddaa in magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay lagu qabto doorashada guddoonka Baarlamaanka cusub ee maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya