4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Sept 9 , 2019
Madaxweyne Waare oo Matooro guddoonsiiyay Qaar ka mid ah Beeraleyda Beledweyne


Isniin, September, 09, 2019 (HOL)-Maxadweynaha Dowladda Hirshabelle Dr Maxamed Cabdi Waare ayaa maanta Guddoonsiiyay matooro loogu talo galay in lagu horumariyo Beeraleyda Hirshabelle, waxaana maamulka ka gacansiiyay hey'adda ARC kaddib munaasabad ka dhacday hoolka shirarka magaalada Beledweyne, waxaana munaasabadda goob joog ka ahaa xubno ka tirsan labada gole ee dowladda Hirshabeelle mas'uuliyiinta heer gobol iyo heer degmo, iyo Qaar ka mid ah beeraleyda gobolka Hiiraan.

Madaxweynaha dowladda Hirshabeelle Dr  Maxamed Waare oo munaasabadda ka hadlay ayaa ku dheeraaday ka sheekeynta muhiimada ka faaideysiga wax soo saarka beeraha hirshabelle,isagoo xusay in barnaamijkani uu qeyb ka yahay Qorshaha lagu horumarinayo Beeraleyda deegaanada Hirshabelle, waxaana uu tilmaamay in muhiim ay in  laga faaideysto biyaha webiga shabeele taa bedelkeeduna aysan noqon mar  in uu wabiga uu fataho marna uu qalalanyahay.

"Barnaamijkani runti waxaa uu qeyb ka yahay mashaariicda lagu xoojinayo adkeysiga beeraleyda ay u adkeystaan abaarooyinka, fatahaadaha si ay u soo saartaan wax soo saarka, gaar ahaan wax soo saarka la iib geeyo ay qudaartu ugu badantahay, runtii barnaamijkani waxa uu horseed u yahay barnaamij weyn oo u jeedadiisu ay tahay in nolosha beeraleyda hirshabelle wax looga bedelo qeyb ka mid ah, barnaamijyadaas maalgalinayo deeq beexiyayaal kale duwan, qeybta ugu weyn waa qeybta lagula tacaalayo, ee ka hortagayo fatahaadaha ee mar walba soo noqdo" Ayuu yiri madaxweyne Waare.

Madaxweynaha Dowladda Hirshabeelle Dr Maxamed Cabdi Waare oo sii hadlay ayaa u  mahaceliyay hey'ada ka gacan siisay maamulka qalabkani oo muhiimad gaar  ah ugu fadhiyo beeraleyda Soomaaliyeed gaar ahaan beeraleyda  Hirshabelle, waxaana uu xusay in muhiimad gaar ah ay ugu fadhiso kor u  qaadida xirfadda iyo aqoonta beeraleyda ayna ku howlanyihiin in laga  faaideysto wax soo saarka dalagyada beeraha.

Maamulka  hirshabelle ayaa qorsheeyay 1535 matooro in looga faaideeyo beeraleyda hirshabelle iyadoo Beeraleyda magaalada Jowhar horey la guddoonsiiyay  matooro sidaan oo kale, waxaana Maanta madaxweynaha gacantiisa uu ku  guddoonsiiyay 375 ka mid ah Beeraleyda magaalada Beledweyne iyo  deegaannada hoosyimaada.
 
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]