4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Sept 9 , 2019
Shan ruux oo ay ka mid yihiin Askari ka tirsan AMISOM oo lagu dilay Qaraxyo lagu weeraray

 

Isniin, September. 09, 2019 (HOL)- Inta la xaqiijanayo Shan ruux oo ay ka mid yihiin askar ka tirsan ciidamada howlgalka midowga Africa AMISOM ayaa ku dhintay qaraxyo ka dhacay deegaanka Buurane ee gobolka Shbeellaha dhexe maalintii shalay.

Dadka deegaanka ayaa warbaahinta u sheegay qaraxyadan lala eegtay kolonyo ay la socdeen ciidamo ka tirsan AMISOM kuwaa oo sababay dhimashada Shan ruux halka tiro kale oo intaa ka badanna ay ku dhaawacmeen.

Muxudiin Xassan oo ah sarkaal ka tirsan Booliiska Soomaaliya ayaa qaraxyadan u xaqiijiyay warbaahinta Anadolu Agency balse ma uusan bixin faah faahin dheeraad ah oo ku saabsan qaraxyada.

Taliska AMISOM ayaa sidoo kale qaxiijiyay weerarkan iyaga oo sheegay in ay ku dhaawacmeen oo kaliya Labo askari oo ka tirsanaa ciidamadooda la weeraray.

Ururka Al-shabaab ayaa sheegtay mas'uuliyada qaraxan iyaga oo sheegay in ay ku dileen shan ka tirsan ciidamada AMISOM. 

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]