4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Sept 8 , 2019
Wasiirka Maaliyada Soomaaliya oo u anbabaxay dalka Itoobiya

 

Axad, September, 08, 2019 (HOL)-Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya Cabdiraxmaan Ducaale Beyle iyo wafdi uu hoggaaminayo oo ku wajahan Magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya ayaa lagu wadaa in ay kula kulmaan kooxda wada hadalka deyn cafinta u qaabilsan hay’adda Lacagta Aduunka (IMF) waxaana laga wada xaajoonayaa Wajiga Afaraad ee Barnaamijka  deyn cafinta Soomaaliya (SMP4).

Kullankaan ayaa waxaa si gaar ah looga hadlayaa wixii Wasaaradda Maaliyadda Soomaaliya ay ka qabatay saddexdii bil ee la soo dhaafay  shuruudaha ku xeeran wada hadalka deyn cafinta wajiga afaraad, waxaana sidoo kale ka qeyb galaya Wasiirka Qorsheynta iyo Guddoomiyaha Bangiga dhexe ee Soomaaliya.

Ka hor kulamada wada hadalka deyn cafinta Wasiir Beyle iyo wafdiggiisa waxa ay kulama gooni gooni ah la qaadan doonaan madaxda hey’adaha dhaqaalaha caalamka iyo qaar ka mid ah wadamada deymaha k uleh Soomaaliya waxaana kulamadaasi looga hadlayaa sidii Soomaaliya looga cafin lahaa deymaha lagu leeyahay.

Wasiir Beyle ayaa rajo wanaagsan ka muujiyay wada hadalka ay la galayaan IMF iyo guud ahaa in Soomaaliya laga cafiyo deymaha lagu leeyahay marka uu soo gabagaboobo Wajiga afaraad ee wada xaajoodka deyn cafinta.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]