4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Sept 8 , 2019
Saraakiil ka socta taliska ciidamada qeybta 21aad ee fadhiggoodu yahay Dhuusa-Mareeb oo xalay soo gaaray Beledweyne

 

Axad, September, 08, 2019 (HOL)- Saraakiil ka socta taliska qeybta 21aad ee ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa xalay soo gaaray magaalada Beledweyne, iyaga oo kulan la qaatay madaxweynaha dowlad gobolleedka Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare.

Taliyaha qeybta 21 aad  Cabdicasiis Cabudllaahi  Qooje ayaa sheegay in ujeedada safarkooda uu ahaa sidii  labada dhinac maamulka Hirshabeelle iyo taliska qeybta 21 aad uga wada shaqeyn lahaayeen sugida Amniga deegaannada gobollada dhexe iyo is barasho saraakiisha halkan ku sugan [Beledweyne] oo ay muhiim tahay ayuu yiri in aynu howsha sugida Amniga wadaagno.

Sidoo kale waxaa uu sheegay in Saacadaha soo socda ay la kulmi  doonaan Saraakiisha ciidamada Xoogga dalka ee Gobolka Hiiraan si ay wadatashi uga yeeshaan sida ugu fudud ee loo qaadi karo howlgal ka dhan ah  Al-Shabaab.

Madaxweynaha Hir-Shabeelle Maxamed Cabdi  Waare ayaa ugu dambeyn ku  booriyay Howlaha ciidanka xoogga dalka ka wadaan Gobolada Hiiraan  iyo Galgaduud iyo waliba dadaallada dowladdu ay ku bixineyso in ay  wada shaqeeyaan Qaybaha 27aad iyo 21aad  ee ciidamada Xoogga dalka  Soomaaliyeed.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]