4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Sept 18, 2019
Garyaqaan Mubaarak Cabdi oo saddex sanno joojiyey xirfadii qareenimo ee uu ku shaqayn jirey

 

Arbaco, September, 18, 2019 (HOL)-Garyaqaan Mubaarak Cabdi Ismaaciil oo ka mid ah dhallinyarada qareenada ah ee madaxa banaan ayaa sheegay inuu shaqadii qareenimo uu muddo saddex sanno joojiyey inuu ku shaqeeyo illa inta sharciga sidiisa loo raacayo.

Qareen Mubaarak ayaa sheegay in qaabkan imika maxkamaduhu u shaqeeyaan aanay ahayn sharcigii looyar ku shaqayn lahaa,isla markaana meel la iska dhigay sharcigii difaaca qofka dambiga lagu soo eedeeyey oo ahay inuu si dhamaystiran ugu doodi karo qofka dambiga loo haysto.

“Waxaan maanta ummadda u sheegaya in aan joojiyey mihnadii qareenimo ee ee aan ku shaqayn jirey muddo gaadhaysa sadex sano, sababtaan u joojiyey ku shaqaynta qareenimo waxay tahay waxaan doonayey in dadka dhibaataysan aan u doodo oo aan caawiyo, ilaahay baan ugu mahadcelinaya intii uu I waafajiyey ee aan caawin karayey, sababta u weyn ee aan u joojiyey Somaliland sharcigu kuma shaqaynayo, sharcigii meel baa la iska dhigay,Intii aan shaqaynayey waxaan ogaaday in aanay maxkamadaheenu u dhisnayn meel uu qof qareen ahi ku shaqeeyo, waxaan maalin walba isku haysana maxkamadihii waar waxan dastuurka ku qoran ha la raaco.”ayuu yidhi qareen Mubaarak Cabdi.

Garyaqan Mubaarak Cabdi ayaa ka mid ahaa saddexdii looyar ee u doodayey wariye Cabdimaalik Muuse Coldoon, waxaana maanta maxkamadda racfaanku dib u dhagaystay dacwaddii lagu haystay wariye Coldoon, iyadoo la filayo in maalmaha soo socda ku dhowaaqi doonto xukunka wariye Cabdimaalik Coldoon oo hore maxkamadda degmaddu ku xukuntay saddex sanno iyo badh.

Barkhad-ladiif M. Cumar, Hiiraan Online

[email protected]

Hargeysa, Somaliland.