4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Sept 18, 2019
Madaxweynaha Puntland oo gaaray deegaan xeebeedka Garacad


Arbaco, September, 18, 2019 (HOL)-Madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni ayaa maanta gaaray deegaan xeebeedka Garacad ee gobolka Mudug.

Socdaalka ayaa lagu sheegay inuu salka ku hayo sidii uu madaxweynaha Puntland u shaacin lahaa in la maalgashto mashruuca ballaaran ee sida isku tashiga ah deegaanka uga socda ee lagu dhisayo deked.

Muddada madaxweynaha Puntland uu ku sugan yahay deegaanka waxaa sidoo kale uu dhigax dhigi doonaa wajigga labaad ee mashruuca lagu dhisayo dekedda Garacad.

Siciid Deni, waxaa socdaalka ku weheliya mas’uuliyiin ka tirsan labada gole ee xukuumadda , maalgashadayaal iyo ganacsato, iyada oo ay halkaa ku soo dhaweeyeen maamulka gobolka Mudug, kan deegaanka Garacad iyo bulshada deegaanka.

Iman Mohamed Jama, Hiiraan Online
[email protected]