Arbaco, September, 18, 2019 (HOL)-Madaxweynaha Dowladda Federaalka SoomaaliyaMaxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa dib ugu soo laabtay magaalada Muqdisho, kaddib markii uu ku soo xiray magaalada Dhuusamareeb wajiga koowaad ee Shirweynaha Dib-u-heshiisiinta Galmudug.
Madaxweynaha ayaa ka hor inta uusan ka soo amba-bixin magaalo Madaxda
Galmudug ee Dhuusamareeb, waxa uu halkaas kulan gaar ah kula yeeshay
Culimada hoggaanka u ah Ahlu Sunna, isagoona ku ammaanay doorka
samatabixineed ee ay dhabarka u riteen culimada deegaanku.
Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo kulankan kula hadlay
Sheekh Maxamed Shaakir Cali, Macalin Maxamuud Sheekh Xasan, Sheekh
Cabdirisaaq Maxamed Cali (Al-Ashcari) ayaa la wadaagay muhiimadda ay u
leedahay aragtidoodu, dadaalkooda iyo waxqabadkoodu dhismaha Galmudug
mideysan, horumarsan oo ka tarjumeysa aqoonta iyo kartida reer Galmudug.
Dhankooda, Hoggaanka Ahlu Sunna Wal-jamaacah ayaa Madaxweynaha uga
mahadceliyey mudnaanta uu siiyey tan iyo markii uu xilka qabtay, xal u
helista khilaafyadii kala duwanaa ee ka jiray Galmudug, waxa ayna soo
bandhigeen rajo mugweyn oo ku aaddan hana qaadka Dowlad Goboleedka
Galmudug.
Sidoo kale, Madaxweynaha ayaa la kulmay Taliyeyaasha Ciidamada
dhawaan la qarameeyey ee ku sugan Dhuusamareeb, waxa uuna xusay in
dowladdu ay xoogga saartay xaqiijinta xuquuqdooda ciidannimo iyo
tayeyntooda, isagoona ku dhiirri geliyey go’aankooda ku saleysan
Qarannimada iyo in ay u istaageen difaaca dalkeenna.
Dhanka kale, Madaxweynaha Jamhuuriyadda oo la kulmay Xubnaha Guddiga
Dib-u-Heshiisiinta Galmudug ayaa tilmaamay in shacabka iyo Xukuumadda
Soomaaliyeed ay u garoowsan yihiin dadaalka mugga weyn ee ay la
yimaadeen tan iyo maalintii la magacaabay, kaas oo horseeday in laga
gudbo caqabado waaweyn oo hortaagnaa midnimada, horumarka iyo
dowladnimada Galmudug.
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]