4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Sept 16, 2019
Bandhigga Maalgashiga iyo Wax-soo saarka Hirshabeelle oo lagu soo xiray Jowhar


Isniin, September, 16, 2019 (HOL)- Madaxweynaha Dowladda Hirshabelle Dr Maxamed Cabdi Waare ayaa maanta soo xiray Shirwaynaha Bandhigga Ganacsiga iyo maalgashiga Beeraha, kaa oo labadii maalin ee la soo dhaafay ka socday Magaalada Caasimada ah ee Jowhar.

Bandhiggan ayaa waxaa soo qaban-qaabiyay Hey'adda GEEL oo garab ka heleysa Hey'adda USAID, waxaana ka qeyb galay xuhno ka tirsan labada gole ee Dowladda Hirshabelle, Ganacsato, xubno ka soday Shirkaddaha Ganacsiga qeybihiisa kale duwan, iskaashatooyinka dhinaca beeraha, Hey'adda ka shaqeeya caafimaadka xoolaha, qubaro iyo Mas'uuliyiin kale.

Madaxweynaha Dowladda Hirshabelle Dr Maxamed Cabdi Waare oo ka hadlayay xiritaanka bandhiga ayaa ku dheeraaday ka sheekeynta ahmiyada dalkani qaniga ku ah kheyraadka uu u leeyahay wax soo saarka dalkeena, waxaana uu ku amaanay intii ka shaqeysay in barnaamijkani uu hirgalo, waxaana uu ku dhiira galiyay shirkadaha ganacsi ee soo bandhigay ganacsigooda ee dhanka wax soo saarka Dalka.

"Dalkeena gaar ahaan Hirshabelle waxa ka buuxa kheyraad fara badan oo u baahan in laga faa'ideysto sidaasi daraadeed waxaa lagama maarmaan ah in aan garano muhiimada Wax soo saarkeenu uu inooo leeyahay, waxaana ku dhiira galinayaa Beeraleyda iyo shirkadaha Ganacsiga wax soo saarka in dadaalkoodu ay laba jibaaraan, barnaanijyada noocaan ahna oo Hirshabelle maalgashiga loogu sameynayo waan sii kordhin doonaa insha'allay" ayuu yiri Madaxweyne Waare.

Maxamed Cabdi Waare Madaxweynaha Dowladda Hirshabelle oo sii hadlay ayaa beeraleyda Hirshabelle ku dhiira galiyay in ay ka dhabeeyaan mira dhalka dadaalka ay ugu jiraan tacbashada wax soo saarka dalkeena, waxaana ka Hirshabelle ahaan uu balanqaaday mĂ daxaweynaha in beeraleyda iyo xoola dhaqatadaba ay ka saacidi doonaan dhinacyada horumarinta wax soo saarka iyo xoolaha.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]