4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Sept 16, 2019
Madaxweyne Waare ''Hirshabeelle culeys Amni ayaa ku furan oo aan la qarin karin

 

Isniin, September, 16, 2019 (HOL)-Madaxweynaha dowlad gobolleedka Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare oo ka hadlayay dhacdooyinkii is xig xigay labadii cisho ee la soo dhaafay ka dhacay waddada isku xirta Muqdisho iyo Jowhar ayaa sheegay Hirshabeelle waqtigan wajaheyso culeys dhanka Amniga ah.

Wuxuu sheegay in xaalada nabad-galyo darro ee ka jirta Hirshabeelle gaar ahaan Shabeellaha dhexe hadda soo gaartay sida uu hadalka u dhigay meel aan la qarsan karin, isaga oo arintan u sababeynaya howlgalada ka socda gobolka Shabeellaha hoose, madaama ayuu yiri xoogagga Al-shabaab ee ka soo cararaya gobolka Shabeellaha Hoose u soo guurayaan deegaannada Hirshabeelle.

''Annaga kama xumin in Shabeellaha hoose cadawga laga saaro [Al-shabaab] laakiin Annaga ayeey arintan saameyn weyn nagu yeelatay oo ay noo soo guureen'' ayuu yiri madaxweyne Waare oo  khudbad ka jeedinayay shir xiritaanka Bandhigga Waxsoo saarka iyo maalgashiga Hirshabeelle.

Hadalka madaxweyne Waare ayaa imanaya xili i lagu weeraray  wadada isku xirta magaalada Jowhar iyo Balcad ciidamo ka tirsan AMISOM  iyo mas’uuliyiin ka tirsan Hirshabeelle.

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Hirshabelle Maxamed Cabdi Waare ayaa maanta u buuxsantay sanadguurada labaad ee ka soo wareegatay markii loo doortay Madaxtinimada dowlad goboleedka Hirshabelle.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]