4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Sept 16, 2019
Wararkii ugu danbeeyay dilal ka dhacay degmada Laascaanood

 

Isniin, September, 16, 2019 (HOL)-Shirkada korantada Soolpawer ayaa qiratay masuuliyadda wiil dhalinyaro ah oo xalay ku dhintay magaalada Laascaanood xarunta gobolka Sool.

Cabdinaasir Maxamed Bare "Abbusheybe" gudoomiyaha shirkadda Soolpawer ayaa sheegay in shirkad ahaan ay bixinayaan xaqii wiil Itopian ah oo korantadoodu dishey.

"Waxbadan ayaa iskaashaday, hawlihii lagu hagaajinayey magaalada oo dhul badan oo dabaysan la dumiyey, tan labaad biro shirkado isgaadhsiin lahaayeen oo aan hada shaqayn oo tan hada wiilka ku dhegtey ay ka mid tahay" ayuu yiri C/naasir isagoo ugu baaqay dawlada hoose in ay guraan.

Sidoo  kale gudoomiyaha gobolka Sool Cabdiqani Jiidhe ayaa arin laga naxo ku  tilmaamay dhacdadan waxaanu tacsi u diray eheladii wiilkaas.

Dhinaca kale Gudoomyuhu waxa uu ka warbixiyey dil ka dhacay habeenimadii xalay oo lagu diley askari ka tirsan ciidanka Asluubta oo uu sheegay in ninkii falka geystey uu ahaa askari ka tirsan ciidanka Asluubta in lagu daba jirona waa uu sheegay.
 
Seynab Cabdi Warsame
Laascaanood G. Sool