4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Sept 16, 2019
Deni: Soomaaliya waxaan horseed uga noqonaynaa inay isku filnaato

Isniin, September, 16, 2019 (HOL)- Madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni ayaa sheegay inan la isku wadi karin Soomaaliya oo dal qani ah , walina ku tiirsan taageerada caalamka.

Puntland ayaa markii u horreysay shalay daahfurtay madasha maalgashiga oo lagu soo bandhigay fursadaha maalgashi ee deegaannadaa, iyada oo furitaanka madasha ay ka qaybgaleen maalgashadayaal caalami ah iyo ganacsato Soomaaliyeed.

"Soomaaliya dhul iyo bad waada qani ah, haddana inan baryadeenna wali taagan tahay oo taageero ku tiirsanahay waa arrin aan is qabaneyn." ayuu yiri Deni oo inta ku daray " Puntland waxay horseed u noqonaysa Soomaaliya inay isku filnaato."

Madasha maalgashiga oo maalintii labaad ka socota Garoowe, ayaa waxyaabaha lagu soo bandhigay waxaa ka mid ah khayraadka iyo macdanta laga helo Puntland.

Iman Mohamed Jama, Hiiraan Online
[email protected]