4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Sept 16, 2019
Weerar dad lagu laayey iyo koranto waxyeelo nafeed geysatey magaalada Laascaanood

Isniin, September, 16, 2019 (HOL)-  Dabley hubaysan ayaa weerar la beegsaday laba nin duleedka bangiga magaalada Laascaanood xarunta gobolka Sool habeenimadii xalay kuwaas oo aan ilaa iyo haatan la aqoonsan.

Dableydan oo falka fuliyey xili socodka dadka uu yaraa roobna qaaday ayaa jaanis u helay in ay nimankan oo mid ka mid ah uu halkii ku dhintay kii kalena isbitaalka la geeyey dhaqaartiirtuna ay sheegeen in ay xaaladiisu adagtahay halka dadka qaarkoodna ay sheegayaan inuu dhintay xili danbe.

Lama garanayo sababta falkan ka danbaysey waxaase warar hordhac ah oo aan la xaqiijin Karin sheegayaan in ninka dhintay ay maalinimadii islaayeen nin ay ka wada tirsanaayeen ciidanka Asluubta, sababta malahan keentay ayaa dad arkay ninka falka geystey in uu sitey direyka ciidankaas.

Illaa hada wax hadala oo ka soo baxay ciidanka amaanka ma jiraan waxaase ay kuu sheegayaan in ay baadhitaan wadaan oo ay hawsha dhacday ka hadli doonaan.

Dhinaca kale roob ka da’ay magaalada laascaanood ayaa galaaftay nin dadka baralaaawaha ah oo ka soo jeeda dalka Itoobiya ka dib markii uu qabsaday bir danabaysan.

Goobtan oo ku taala badhtamaha magaalada Laascaanood ayaa ah goobihii cagafyada dawlada Hoose ay ka baabiiyeen dhismayaasha dhowaan waxaana loo aanaynayaa in waayin ka hadhey sababay dhimashada maadaama aanu roobka da’ay aanu ahayn mid weyn, dabaylna wadan.

Seynab Cabdi Warsame
Laascaanood G. Sool