4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Sept 16, 2019
Ciidamo Burundi ah oo lagu dilay weerar shalay ka dhacay waddada xiriirisa Muqdisho iyo Jowhar

 

Isniin, September, 16, 2019 (HOL)- Faah faahinno dheeraad ah ayaa ka soo baxay weerar maalintii shalay [Axad] lagu qaaday kolonyo ay la socdeen ciidamo ka tirsan howlgalka midowga Africa AMISOM gaar ahaan kuwa Burundi oo ku safrayay waddada xiriirisa Muqdisho iyo Jowhar.

Warbixin lagu daabacay Wakaallada wararka ee AFP oo soo xiganeysa Ilo kala duwan xog ogaal ah ayaa lagu sheegay in weerarkaas lagu dilay ugu yaraan 12 askari oo ka tirsan ciidamada Burundi, halka tiro kale oo intaa ka sii badanna lagu dhaawacay, kaddib markii weerar isugu jiray Qaraxyo iyo mid toos h lagu qaatay gaadiidkii ay la socdeen ciidamada.

Laakiin Ururka Al-shabaab oo weerarkan ka danbeeyay ayaa sheegay in ay dileen ilaa 14 askari oo ka tirsan ciidamada Burundi ee qeybta ka ah AMISOM.

Ciidamadan oo ka yimid magaalada Jowhar ayaa ku soo socday magaalada Muqdisho, hasse ahaatee weerarkan ayaa ku qabsaday deegaan lagu magacaabo Garas Deelle oo ku dhaw degmada Balcad.

Waddada isku xirta Muqdisho iyo Jowhar ayaa waxaa ka dhaca weerarro joogta ah oo Al-shabaab ay ku qaadaan mas’uuliyiinta, ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM ee waddadaa adeegsada.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]