4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Sept 13, 2019
Nabaddoon caawa lagu dhaawacay magaalada Kismaayo

 

Jimco, September, 13, 2019 (HOL)- Wararka ka caawa ka imaanaya magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubadda Hoose ayaa sheegaya in kooxo hubeesan ay halkaasi dhaawac xoogan ugu geesteen Nabadoon caan ka ahaa gobolada Jubooyinka. 

Kooxo hubeesan ayaa la sheegay in nabadoonka oo lagu magacaabo Axmed Jaamac Qalyar rasaas ku dhufteen xili uu kusii jeeday Masaajid kuyaala xaafada uu ka dagan yahay magaalada Kismaayo.

Wararku waxaa ay intaa ku darayaan in Nabaddoon uu ka mid ahaa Hogaanka Kooxda Isbadal doonka ee Musharaxiinta uga dhawaaqeen Kismaayo, kuwaa oo siweyn uga soo horjeeday doorashadii Axmed Madoobe.

Maamulka Jubbaland ayaan wali ka hadlin weerarkan lagu dhaawacay Nabadoonka, mana jirto ilaa hada cid sheegatay masuuliyada weerarkan caawa lagu dhaawacay Nabadoon Axmed Jaamac.

Kismaayo ah marka deegaannada Soomaalida halka loogu weerarka badan yahay Nabaddoonada iyo Odayaasha kuwaa oo ilaa iyo hadda aan la ogeyn sababta loo bartilmaameedsado.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]