Jimco, September, 13, 2019 (HOL)-Wasiirka Boostada, Isgaarsiinta & Teknolojiyada, Md. Eng. Cabdi Cashuur Xasan ayaa sheegay in Soomaaliya ay guulo la taaban karo ka soo hoysay Shirweynaha Isgaarsiinta Adduunka ee ka socday caasimadda dalka Hungary ee Budapest.
Wasiirka iyo wafdigiisa ayaa intii uu shirka socday waxay
shirar-doceedyo kala duwan la yeesheen dalal iyo hay’ado caalami ah oo
ay kala hadleen sidii loo sii horumarin lahaa isgaarsiinta iyo
teknolojiyada dalkeena.
Kulankii ugu horreeyay ayay wasiirka iyo Maareeyaha Guud ee Hay’adda Isgaarsiinta, Md. Cabdi Sheekh, waxay la yeesheen Xoghayaha Guud ee Midowga Isgaarsiinta Caalamiga (ITU), Houlin Zhao iyo ku-xigeenkiisa arrimaha Horumarinta, Ms. Doreen Bogdan-Martin, iyagoo ka wada hadlay sidii loo qiimeyn lahaa waxyaabihii ka qabsoomay Qaraarka 160 ee u gaarka ah taageerada Soomaaliya ee dhammaadkii sanadkii hore lagu ansixiyay Shirweynaha ITU.
Wasiirka ayaa ka mahadceliyay kaalintii ITU ay ka geysatay diyaarinta
Siyaasadda & Istaraatiijiyada Isgaarsiinta iyo Teknolojiyada
Qaranka, Tababarkii ugu horreeyay ee ay ITU ku qabatay Soomaaliya 30
sano kadib, iyo qorshayaasha kale ee haatan ay ka wada shaqeynayaan
Wasaaradda iyo ITU.
Wasiirka iyo wafdigiisa ayaa sidoo kale la kulmay wasiir ku-xigeenka
ganacsiga iyo teknolojiyada dalka Shiinaha, Mr. Zhaoxiong Chen, iyo
wafdi uu hoggaaminayay, iyagoo kala hadlay sidii dalka Shiinuhu gacan
uga geysan lahaa dhismaha kaabayaasha isgaarsiinta iyo teknolojiyada
dalkeena.
Labada dhinac ayaa ku heshiiyay in ay iska kaashadaan horumarinta
teknolojiyada, sida kaabayaasha isgaarsiinta ee ay dawladuhu
maalgeliyaan, aqoonta teknolojiyada ee dhallinyaradeena iyada oo loo sii
marayo Machadka Isgaarsiinta Qaranka, iyo sidii shirkadaha isgaarsiinta
iyo teknolojiyada labada dal ay u yeelan lahaayeen xiriir wada-shaqeyn
oo ballaaran.