4/16/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Sept 13, 2019
BIIXI “Adduunyadana nin aan cunto haysannin uun baa faqri ah, cunto dibad ka timaaddana la iskuma hallayn karo”


Jimco, September, 13, 2019 (HOL)-Madaxweyne Muuse Biixi iyo weftigi uu hogaaminayey oo socdaal shaqo ku jooga gobolka Gabiley ayaa maanta kormeer ku tegay mashaariicda dhulka lagu beerayo ee ka socota Banka weyn ee Wajaale, kuwaas oo ay gacanta ku hayaan wasaaradda Horumarinta beeraha iyo ciidamada kala duwan ee qalabka.

Madaxweynaha oo ay wehelinayaan wasiirrada wasaaradaha gaashaandhigga, Horumarinta Beeraha, taliyaha ciidanka qaranka iyo maamulka gobolka gobolka Gabiley iyo degmada Wajaale, ayaa saaka soo indho-indheeyey mashaariicda lagu beerayo banka Wajaale, kuwaas oo si fiican u midho dhalay, islamarkaana ay nimcada roobku si laxaad leh u soo saartay.

Xubno kamid ah saraakiisha ciidamada kala duwan ee qaranka oo gacanta ku haya mashaariicda ay banka lagu beerayo ee halkaas ka socda, ayaa ka xog warramay dedaalka ay ciidan ahaan ugu jiraan inay soo saaraan cunto ay ciidan ahaan manaafacaadsadaan, islamarkaana ay bulshada qaybaheeda kala duwan uga faa’iideeyaan.

Wasiirka wasaaradda Horumarinta Beeraha, Mudane Axmed Muumin Seed oo madaxweynaha kusoo dhaweeyey mashaariicda kala duwan ee ay wasaaraddiisu ka waddo banka Wajaale, ayaa si qoto dheer uga warramay dedaalka ay wasaarad ahaan ugu jiraan sidii wax soo saarkaasi meelo kala duwan oo dalka ah u gaadhi lahaa, bulshadana ugu horseedi lahaa inay gartaan qiimaha ay leedahay wax beerashadu.

Madaxweyne Muuse Biixi oo hadal kooban ka jeediyey goobaha ay ku yaalliin beeraha wax soo saarka ee wasaaradda horumarinta Beeraha iyo ciidamada kala duwan ee qaranku gacanta ku hayaan, ayaa kula dardaarmay inay sii libin-laabaan dedaalkooda dhinaca wax soo saarka, isaga oo rejo wanaagsanna ka muujiyey in midhaha ka dhasha mashaariicdaasi ay sannadkan wax weyn ka dari doonaan baahida cunto ee dalka, waxana uu yidhi, “Tacabka waad ku mahadsan tihiin, dedaalkana inaynu sii kordhinno uun baa wanaagsan, waana bilow, adduunyadana nin aan cunto haysannin uun baa faqri ah, cunto dibad ka timaaddana la iskuma hallayn karo, intii dedaalkeenna ah in dadka la baro wax soo saarka, aad iyo aadna waynnu ugu dedaalli doonnaa, banka Wajaalena waxan filayaa haddii Ilaahay roobkaa inoogu wado inuu Somaliland-ba cunto ugu filnaan doono.”

Madaxweynaha iyo wefti ballaadhan oo uu hoggaaminayo oo ku gudo jira maalintoodii saddexaad ee safar shaqo oo ay ku joogaan gobollada galbeedka dalka, ayaa maanta salaaddii Jimce kala qayb-galay shacabka ku dhaqan magaalada Gabiley ee xarunta gobolka Gabiley.

Sidoo kale, shalay waxa uu ka qaybgallay madaxweynuhu qalinjabintii jaamacada Tima cadde ee Gabiley, waxaana ka qalinjabiyey dufcadii 7aad arday kor u dhaafaysa boqol iyo konton arday.

Barkhad-ladiif M. Cumar, Hiiraan Online

[email protected]

Hargeysa, Somaliland.