4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Sept 13, 2019
Ra'iisal Wasaare Kheyre oo ku sii jeeda magaalada Marka

 

Jimco, September, 13, 2019 (HOL)-Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda  Soomaaliya Xassan Cali Kheyre oo ku sugan Magalada Baydhabo ee xarunta Gobolka Baay ayaa la filayaa in maalinta Berrito oo Sabti ah in uu tago Magalada Marka ee xarunta gobolka Shabeellaha Hoose.

Magaalada Marka waxaa ka soconaya diyaar-garoowga soo dhaweyta Ra'iisal Wasaaraha,waxaana lagu  arkayaa Goobaha qaar Boorar uu ku dheggan sawirka Ra'iisul Wasaaraha  oo goobaha qaar la suray,halka wadooyinka qaarkood lagu dhejiyay  Calanka Soomaaliya iyo kan Koonfur Galbeed.

Ammaanka magaalada Marka ayaa aad loo adkeeyay,waxana amniga  xaqiijinaya Ciidamada Millateriga Soomaaliya gaar ahaan kuwa Guutada  14-ka October, kuwaas oo gacanta ku haaya magaalada Marka ee xarunta  Gobolka Shabeellaha Hoose.

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xassan Cali Kheyre ayaa toddobadkan  waxaa uu ku sugan yahay deegaano ka tirsan Maamulka Koonfur Galbeed, sida magaalada Baydhabo iyo degmada Xudur ee Xarunta Gobolka Bakool oo uu  booqday.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]