4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Sept 13, 2019
Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada oo ka laabatay heshiis ay horay ula gashay Shan shirkadood

 

Jimco, September, 13, 2019 (HOL)-Qoraal ka soo baxay Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada dowladda Soomaaliya ayaa lagu sheegay in Wasaaraddu ka laabatay heshiis ay horay ula gashay illaa shan shirkadood, kuwaasoo heshiis lagula galay hubinta iyo illaalinta badqabka gaadiidka.

Heshiiskan oo aan horay u shaacin Wasaaradda ayaa qoraal ka soo baxay Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada Maxamed C/llaahi Salaad ayaa lagu sheegay in lagala noqday heshiisyadii tijaabada ahaa ee lala galay shirkadaha (M.T.O Kalaawito)

Shirkadaha lagala laabtay heshiiska ayaa waxay kala yihiin General Motors, Balqiisa General, Sawaasiya General, Barwaaqo General iyo Gaagaale General.

Hoos ka akhriso Qoraalka ka soo baxay Wasaaradda :- 

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]