4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Sept 12, 2019
Sarkaal Sare oo ka tirsanaa Al-Shabaab oo isku soo dhiibay dowladda Soomaaliya

 

Khamiis, September, 12, 2019 (HOL)-Sarkaal sare oo ka tirsanaa Ururka Al-shabaab ayaa isku soo dhiibay ciidamada dowladda ee fadhigooda yahay magaalada Xudur ee Gobolka Bakool.

Saraakiisha ciidamada dowladda ayaa sheegay  in Sarkaalkan uu la soo xiriiray ciidamada dowladda, ka hor inta uusan isa soo dhiibin.

Sarkaalkan ayaa lagu magacaabaa Yarow Xasan Aadan, waxaana lagu soo bandhigay Xudur, isagoo ku hubeysan qoriga AK 47.

Warbaahinta dowladda ayaa soo bandhigtay sawirka Sarkaalkan, waxaana uu ka mid noqonayaa saraakiil dhowr ah oo muddooyinkii la soo dhaafay isku soo dhiibay dowladda Soomaaliya.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]