4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Sept 12, 2019
Laba wariye oo ciidamada amniga ee magaaladda Hargeysa ay xabsiga u taxaabeen

Khamiis, September, 12, 2019  (HOL )–Labadda ka mid ah masuuliyiinta shabakadda wararka ee Hadhwanaagnews ayaa xabsiga loo taxaabay,kuwaas oo laba habeen oo isku xigtay la kala xidhay.

Labadan masuul ayaa kala ah Tifaftirhii shabakadda Cabdiqani Cabdilaahi Asporo iyo agaasimihii shabakadda Cabdirisaaq Good, waxaanay arrintani ka dambaysay ka dib markii gudoomiyaha Banka dhexe ee Somaliland Cali Ibraahim Baqdaadi uu ku Hadhwanaagnes ka gudbiyey dacwad ka dhan ah.

Gudoomiyaha Banka dhexe ee Somailand Cali Baqdaadi ayaa maxkamadda u gudbiyey dacwad uu kaga cabanayo hadhwanaagnews inay ka qortay warar uu ku tilmaamay mid laga been abuurtay,isla markaana lagu eedeeyey inuu sameeyey musuqmaasuq, taas oo maxkamadu soo saartay wareegto lagu amrayo shirkadaha Enternetka iny hawadda ka saaraan oo aan la booqanin shabakadan.

Sidoo kale, waxaa ay xukuumaddu dhowaan albaabada u laabtay telefishanka Horyaal, isla markaana waxay xabsiga u taxaabtay gudoomiyihii Telefishanka Mr: Maxamed Cismaan Sayid.

Barkhad-ladiif M. Cumar, Hiiraan Online

[email protected]

Hargeysa, Somaliland.